4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
WASIIR SHABAC: Shacabku way isku waafaqsan yihiin 99% in la Mideeyo Maakhir iyo Khaatumo


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Wareysi uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xiririka federaalka ee maamulka Khaatumo, Maxamuud Ismaaciil Shabac oo hada ku sugan Muqdisho ayuu kaga hadlay arrimo la xiriira mideynta maamulada Khaatumo iyo Maakhir.

Shabac oo wax laga waydiiyay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay ayaa sheegay inuu ku guulaysatay arrimo bad oo ay ka mid yihiin xiririka caalamiga ah iyo kan gudaha, uuna kulamo kala duwan la yeeshay shacabka Khaatumo iyo Maakhir ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayna ka wada-hadleen sidii loo dhameys tiri lahaa arrimaha qabyada ah ee maamulkiisa.

Sidoo kale, wasiir Shabac ayaa carabka ku dhuftay inuu kulammo kala duwan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya mas’uuliinta safaaradda dalka Maraykanka iyo kuwo kale, isagoo xusay inay ka wada-xaajoodeen sidii ay ugu gacan-siin lahaayeen maamulka loo sameynayo gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in safaaradda Maraykanka ay ballan-qaaay inay ka geysan doono gacan maamulka la damacsan yahay in lagu mideeyo Maakhir iyo Khaatumo oo ay wax kala qaban doonto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo goobtii lagu qaban lahaa shirka intaba. Isagoo xusay in loo baahan yahay in shacabka labadan maamul ay u soo jeestaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dhismaha maamulkan.

Mar la weydiiyay wasiirka sababihii dhaliyay khilaaf la sheegay inuu ka aloosnaa Nairobi, ayuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo labada maamul u dhaxeeyay, ee uu ahaa buuq ka dhashay dad aan raalli ka ahayn mideynta la qaban-qaabinayo, kaa soo salka ku hayay aqbalaadda safaaradda Maraykanku dalka Kenya ku leeyahay.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu wasiirku sheegay in haatan lagu jiro qarnigii 21-aad oo aysan maamulkiisu aqbali doonin dad Soomaaliyeed oo la mid ah inay deegaannadooda gacanta ku hayaan, ayna si wadajir ah ugu soo jeesan doonaan xorriyadooda.

Ugu dambeyn, Wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Khaatumo ayaa shaaciyay in 99% ay si way ugu midaysan yihiin oo ay ka go'an tahay in dadka u dhashay Maakhir iyo Khaatumo inay kawada xaajoodaan oo ay ku bahoobaan maamul ay leeyihiin oo ay ku talo jiraan inay ka miro-dhaliyaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool