4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Dagaal Ciidanka Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhax-maray Gobolka Hiiraan


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaallamay saacadihii hore Jimcihii maanta deegaanka Baar oo qiyaastii 25km dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Abuunduulaha guutada 10-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Maxamed Cumar C/lle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo sahay u sida ciidan ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan.

“Dagaalka oo saacado badan socday ayaa wuxuu ku bilaawday weerar dhaba-gal ah oo ay soo qaadeen Al-shabaab, laakiin markii dambe wuxuu ku ballaartay deegaanada ku haree-reysan dhulka lagu dagaalmay, dhankeenna 7-Askari ayaa dagaalka nooga dhaawacantay, kooxihii weerarka soo qaaday waxaan ka dilay illaa 14 ruux,'' ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda.

Sidoo kale, Maxamed Cumar ayaa sheegay in markii dambe ciidammo gurmad ka heleen deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalka ka dhacay, taasoo keentay ayuu yiri inaan dagaalka ku jabino Al-shabaab.

Inta badan xoogagga Al-shabaab oo lagala wareegay degmooyinka gobolka Hiiraan waxaa ay weeraro jid gal ah ku qaadeen ciidammada dowladda marka ay doonayaan in ay isaga tallabaan degmooyinka iyo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya