4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in Hogaanka Dalkiisa uu u Tartamayo Xilligiisii Saddexaad


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay ku dhawaaqay inuu ka qaybgalayo tartanka doorashooyinka madaxnimo ee dalka Jabuuti oo dhici doona sannadka soo socda ee 2016-ka.

Geelle ayaa sheegay inuu maqlay dalabka taageerayaashiisa ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxnimo ee Jabuuti, kaddib bannaanbax ay ku sameeyeen xarunta Jabuuti taageerayaashiisa, kaasoo ay kaga dalbadeen inuu u istaago doorashada mar saddexaad.

“Waxaan go’aanka aan isugu soo taagayo doorashada sannadka soo socda ee 2016-ka aan qaatay markii aan arkay xaaladda ka jirta dalka Jabuuti iyo weliba gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Geelle hadal uu u jeedinayay shacabka dalka Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweyne Geelle ayaa khudbadiisa ku xusay in tan iyo markii uu hoggaanka Jabuuti sannadkii 1999-kii, isla markaana uu xafiiska joogay laba xilli uu horumar weyn u horseeday dalka Jabuuti.

“Tan iyo markii aan xilka qabtay waxaan dalka Jabuuti gaarsiiyay hormar aad u weyn iyo barwaaqo, waxaana iga go’an inaan sii wado horumarka Jabuuti aan gaarsiiyay hadii mar saddexaad xilka la ii doorto,” ayuu mar kale yiri Geelle.

Dhanka kale, Isbahaysiga mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin go’aanka madaxweyne Geelle uu ku sheegay in uu mar kale u soo is-taagayo xilka madaxnimo ee Jabuuti, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid u muuqata kali-talisnimo.

Ugu dambeyn, Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa inay doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka ee nagu soo foolka leh, iyadoo xilliga madaxweyne Geelle uu ku eg-yahay bisha Feberaayo ee sannadkan soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya