4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Daawo Sawirro sida shacabka reer Kismaayo ay ugu damaashaadaan Xeebaha magaalada


Jimco, December 04, 2015 (HOL) —Mar aan booqannay qaar kamid ah xeebaha magaalada Kismaayo sida xeebaha Liido iyo Calanleey, ayaa waxaan kusoo aragnay dad aad u tiro badan oo ku damaashaadaya halkaasi.

Dadkan oo isugu jiray, dhalinyaro rag iyo dumarba leh, carruur iyo dad waaweyn ayaa waxa ay usoo damaashaad tageen xeebaha magaalada, ayadoo dadkani ay kamid ahaayeen qurbajoog dib ugu soo laabatay dalka.

Dhalinyarada usoo damaashaad tagtay xeebaha Liido waxaa kamid ahaa dhalinyaro dib uga soo laabatay xerooyinka qaxootiyada dalka Kenya ee Dhadhaab, kuwaa oo mar aan dareenkooda weeydiinnay inoo sheeggay in ay ku faraxsanyihiin in ay ku damaashaadaan xeebaha dalkooda iyaga oo aan cidna ka baqeyn.

Kismaayo ayaa waxa ay leedahay xeebo aad u qurux badan oo ku wanaagsan dalxiiska, waxaana xeebahaasi kamid ah, Xeebta Liido, Calanleey, Ceelcaafimaad iyo weliba Xeebta kale ee Kibooro.

...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.