4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo baaq nabeed oo u dirray dhinacyada ku dagaallamaya Gaalkacyo


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif & golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyne, waxaay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo in ay xabada joojiyaan, wixii khilaaf ah u dhaxeeyana ku dhameystaan wada-hadal.

Ugaas C/raxmaan ayaa ku tilmaamay dagaallada magaalada Gaalkacyo kuwa nasiib darro ah oo wax laga faa'iidayo jirin, isaga oo intaa ku darray in looga baahan yahay madaxdaa bulshada guud ahaan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa siyaasada, dhaqanka, iyo culimmada intaba  in ay u istaagaan siddii looga hortagi lahaa dhiig danbe oo ku daa'da magaalada Gaalkacyo.

“Dhinacyada ku lugta leh dagaalka waxaan leeyahay shacabka xabbad lagu maamuli karo, mas'uuliyada aad heysaa Alle uga baqa, haddii uu jirro khilaaf waa in aad ku dhameysataan wada-hadal'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Ugaas C/raxmaan ayaa dhinaca kale sheegay in colaada Soomaaliya sii soco doonto in lagu howlan yahay nidaamka federaalka, siddaa daraadeed looga baahan yahay siyaasiyiinta Soomalida in ay fiiro-gaar ah arintaa u yeeshaan.

Ugu danbeyntii, Ugaas C/raxmaan iyo gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku booriyay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug in ay u turaan dadka maatida ah ee ku dhimanaya dagaallada kuwaa oo aan u qalmin in lagu dul dagaallamo.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhimashada in ka badan 30 ruux, halka tiro kale oo intaa ka sii badanna ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya