4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya oo Maanta si rasmi ah xilka ula wareegay


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Ergayga ururka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, isagoo bedeli doona wakiilkii hore ee Midowga Afrika, danjire Maman S. Sidikou.

“Waxaan xilka la wareegayaa iyadoo Soomaaliya ay soo martay xaalad siyaasadeed oo aad u adag iyo iyadoo la qorsheynayo in dalka laga qabto doorasho sannadka soo socda,” ayuu yiri danjire Madeira oo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay.

Sidoo kale, danjiraha cusub ee Midowga Afrika ayaa mar kale yiri. “Muhimadda koowaad waxaan siin doonnaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee dalka. Waxaana u mahad-celinayaa danjirihii iga horreeya oo howl adag halkan kasoo qabtay.”

Danjire Jose Madeira ayaa wuxuu leeyahay khibrad ah ka hortagga argagaxisada, isagoo ka soo shaqeeyay nabadda iyo dib u heshiisiinta Qaaradda Afrika. Waxaana Danjiraha Cusub la rajeynayaa inuu hoggaan u noqdo hawlgalka ay ka waddo AMISOM Somalia sannadaha soo socda.

WARBIXIN KU SAABSAN TAARIIKHDIISA;

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira wuxuu ku dhashay 04-tii bishii Abriil sannadkii 1954-kii magaalada Beira ee waddanka dalka Mozambique, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkiisa.

Francisco Madeira oo haysta shahaado sare oo Jaamacadeed ayaa wuxuu soo noqday; isku-xirka ka hortaga argagaxisada, musuq-maasuqa iyo agaasimaha xarunta Midowga Afrika ee magaalada Al-jersi ee daraasaadka iyo cilmi-baarista arrimaha argagaxisada oo loosoo gaabiyo [ACSRT].

Dhanka kale, danjire Francisco Madeira ayaa soo noqday danjiraha Mozambique waddamo ka tirsan Afrika intii u dhexeysay 1984-kii - 1989-kii iyo la-taliyaha madaxweynihii dalka Mozambique.

Wakiilku wuxuu kaloo ka mid noqday xubnihii ka qayb-qaatay Wadahadalladii ka dhacay Roma ee RENAMO oo lagu saxiixay heshiiskii nabaadeed ee dalkiisa Mozambique Bishii Ogoosto 1992-kii. Wuxuuna sidoo kale kasoo qabtay dalkiisa xilal wasiirnimo kuwaasoo ay ka mid yihiin, wasiirka xiriirka xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka waddankiisa. Isagoo intii u dhexeysay 2000 illaa 2010-kii soo noqday wasiirka xafiiska wasiirka xafiiska madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Ugu dambeyn, ergayga cusub ee Midowga Afirka ee Somalia waxaa 07-dii bishii Oktoobar ee sannadkan 2015-ka, u magacowday inuu noqdo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afirka, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya