4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu dhaawacay Gaalkacyo iyo Ganacsade la dilay


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan Baarlmaaanka maamulka Gal-mudug oo lagu magacaabo, Maxamed Xuseen Tahliil ayaa lagu dhaawacay Gaalkacyo maanta, iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan isla magaaladaas ku dileen ganacsade lagu magacaabo, Daahir Akhwaan.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka ay dhaawaceen kooxo hubeysna xilli uu ka yimid garoonka magaalada Gaalkacyo, kuna sii jeeday dhanka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Ganacsadaha la toogtay ayaa waxaa la sheegay inuu ka kasoo jeedo Koonfurta Galakacyo, iyadoo kooxaha la toogtay la sheegay inay ahaayeen kuwo aan hayb ahaan la garanayn.

Sidoo kale, dilka ganacsadaha iyo dhaawaca xildhiabanka ayaa imaanayaan xilli uu shalay dagaal culus ka dhacay gudaha Gaalkacyo, kaasoo u dhexeeyay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Xildhibaanka ayaa haatan wuxuu ku jiraa Isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaasoo lasoo sheegayo in qalliin uu ku socdo, wuxuuna noqonaya xildhibaankii ugu horreeyay oo golaha baarlamanka Galmudug ka tirsan oo dhaawac loo geysto.

Dhanka kale, maamullada Galmudug iyo Puntland ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay ganacsadaha iyo dhaawac xildhibaanka, iyadoo tani ay qayb ka tahay qul-qulatooyinka ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, xildhibaanka la dhaawacay iyo ganacsadaha la toogtay ayaa ka tirsanaayeen guddiga nabadeynta colaadda Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay in la weeraro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya