4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Suuq wax looga kala iibsanayo dhinaca Internetka oo looga dhawaaqay Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga dhawaaqay suuq loogu talo-galay in wax looga iibsado oo dhinaca Internet-ka kaasoo ay hir-gelintiisa ay iska-kaashadeen aqoonyahano Soomaaliyeed.

Xafladda looga dhowaaqayey furitaanka suuqaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay xubno kala duwan oo isugu jiray, xubno iyo aqoon-yahanno ka tirsan ururka SOM-INDIA oo ay ku bahoobeen ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxday Jaamacadaha dalka Hindiya, qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ganacsiga qaarkood, Bangiga IBS iyo xubno kale.

Shabakada Seylad.com oo ah barta laga isicticmaali karo suuqan cusub ayaa noqonaysa tii ugu horeeyey nooceeda ah ee caasimada laga hirgeliyo sida uu sheegay madaxa guud ee suuqaan, C/fitaax Maxamed Cabdi (Qeydanle) oo ka hadlay munaasabadaas.

C/fataax Qaydanle ayaa xusay in suuqan ay ugu talo galeen inuu isku xiro dadka wax iska iibinaya iyo kuwa wax iibsanaya, ujeedaduna tahay inuu labada dhinacba u fududeeyo wax kala bedelashada.

“Waxaan rabnaa in qof walba isagoo jooga hoygiisa uu wax iska iibin karo waxna iibsan karo isagoo isticmaalaya internet-ka, adeegan aduunka oo dhan waa ka jiraa isagoo noocyo kala duwan leh,” ayuu yiri Qaydanle.

Madaxa suuq-geynta ee Seylad.com C/raxmaan Yuusuf Macalin oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wax kala iibsiga suuqan uu hadda ku kooban yahay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, ayna ku talo jiraan iney gaarsiiyaan Somalia oo dhan illaa heer caalami, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qaabka looga adeegan karo suuqan.

“Qofka wax iska iibinaya tusaale ahaan mobile wuu nala soo xiriiriyaa lacag aad u yar ayaa laga qaadayaa ka dibna waxaan siineynaa user iyo password u suuro-gelinaya in waxa uu iibinayo sawirkiisa iyo qiimihiisa uu geliyo shabakada Seylad, telefankiisa iyo halka uu joogo ayuu raacinayaa ka dib cidii dooneysa iney iibsato isagey la xiriirayaan, waxyaabaha la kala iibsan karo waxaa ka mid ah guryaha, Baabuurta, qalabka Electronikada, Smart-phones, Buugaagta, qalabka xafiisyada iwm, asaaska suuqana waxaa nagu dhaliyey markii aan aragnay baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan,” ayuu yiri C/fitaax Qaydanle, iyadoo dhinaca kale hawl-wadeenada suuqan cusub ay, su’aalo uga jawaabeen ka qayb galayaashii munaasabadan.

Maamulaha shirkada Dahabshiil xarunteeda Muqdisho, Xalane oo xafladdaan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey talaabada lagu furay suuqan isagoo dhinaca kale ku taliyey in lagu kordhiyo qeyb lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaalida si dadka caalamka ku dhaqan ay ugu fududaato iney ku soo hirtaan.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaan ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka ururka SOM-INDIA C/raxiin Sheekh, gudoomiyaha shirkada Mufakir Axmed Mufakir, mas’uul ka socday bankiga IBS oo lagu magacabo Muscab Cumar Cilmi, Maxamed Biyo-cabbe oo ka tirsan dilaalinta Muqdisho ugu waaweyn ee dhinaca guryaha iyo xubno kale oo dhamaantood soo dhaweeyay furitaanka suuqan oo ay sheegeen inuu kusoo beegantay xili loo baahnaa, waxayna ballan-qaadeen iney talo, tusaale iyo taageero kaleba ka geysan doonaan taaba gelinta suuqan waxayna xafladda kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Ugu dambeyn, hir-gelinta suuqaan cusub ee dhinaca dhinaca internet-ka wax looga kala iibsanayo ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa dadka isticmaala internetka ee ku dhaqan Muqdisho iyo soomaaliya inteeda kaleba kuwaasoo fursado u heli doona iney alaabo kala duwan kala iibsadaan. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya