4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
SAWIRRO: Jaamacadda Boosaaso faraceeda G/Bari oo ay ka Qalin-jabiyeen in ka badan boqol arday

Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Waxaa jaamacadda Boosaaso faraceeda ku yaalla gobalka Bari ka qalin-jabisay 194-arday, kuwaasoo wax ka wax bartay kuliyadaha kale duwan ee jaamcaddu bixiso.

Ardayda ka qalin-jabisay jaamacada oo isgu jirtay gabdho iyo wiilal ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda.

Xafladda waxaa ka qaybgalay maamulka jaamacadda, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso, nabadoono, aqoonyahano, isimo, waalidiin, culimo'udiin, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro, ganacsato mas'uuliyiin ka socotay jamaacadaha kele ee Puntland iyo marti-sharaf kale.

Maxamad Mahad Ciise oo ah guddoomiyaha jaamacadda oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kale duwanaa ay soo martay jaamacadda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay guddoomiyuhu in Jaamaacadda Boosaaso ay tahay jaamacadda ay ka qalin jabiyeen in ka badan 1,872 arday, kuwaasoo ka hawl-gala dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Wasiirka waxbarashada Puntlann oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu kasoo qayb-galo xafladda ay ku qalin-jabinayaan arday fara badan, kuwaasoo ah ubaxii dalka, wuxuuna ardaydu ku booriyay inay sii wataan waxbarashadooda.

Axmad Diini Xabiib Jaamac oo ka mid ahaa ardaydii qalin-jabinaysa ayaa sidoo kale ka hadlay madasha, waxa uuna sheegay inaysan isku mid ahayn qofka wax-bartay iyo midka ana waxbaran, wuxuu ku booriyey dhamaman dhalinyarada in ay waxbarataan i ay waq ugu qabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Xafladda intii ay socotay waxaa goobta lagu soo bandhigay ruwaad ka turjumaysay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo geeraaro. Waxa sidoo kale si rasmi ah xariga looga jaray xarunta librariga cusub ee jaamacadda, waxaana xariga ka jaray wasiirka waxbarashada Puntland.

Waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii ugu sareysaym iyadoo sidoo kale abaal-marino la gudoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda oo si qeyn u sharaxay  hoolka lagu qabtay xafladda. Xafladan ayaa ahayd tii ugu ballaarnayd ee ka dhacda jaamacadda sanadkan 2015.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya