4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2015
Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Jiddah oo si rasmi ah ula Wareegay Howshiisa (SAWIRRO)


Jimco, December 04, 2015 (HOL) — Qunsulka Soomaaliya ee magaaalada Jeddah, Saudi Arabia , Siyaad Maxamuud Shire ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay howlaha shaqo ee Qunsuliyadda guud oo dhawaan loo magacaabay.

Shaqo la wareegista ayaa timid kaddib markii kulan soo dhaweyn ahaa oo uu u sameeyay agaasimaha guud laanta wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ee Mecca, Mohammed bin Ahmed Tayyip, waxaana kulanka uu ka dhacay Magaalada Jeddah.

Kulankan ayaa Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jeddah ku gudbiyay salaan iyo fariin uu ka siday Madaxweynaha Somalia, iyadoo la isku weydaarsaday aragtiyo ku aadan xoojinta howlaha Qunsuliyadda iyo dadaalada loogu adeegayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sucuudiga .

Ugu dambeyn, kulankan oo ku dhammaaday jawi isfaham leh, ayaa waxaa Qunsulka guud ku wehlinayay fadhigan xoghayaha labaad ee qunsuliyadda, Ayuub Ismaaciil.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya