2/4/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2015
Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia oo loo gudbiyay Baarlamaanka Somalia (AKHRISO)


Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (HOL) — Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda FS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxay maanta u gudbiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo u Warramay BBC-da ayaa sheegay in Mooshinka ay Gudbiyeen Madaxweynaha Somalia ay ka Guddoomeen Guddoonka Baarlamaanka FS, isagoo intaas ku daray inay caddeymo u hayaan Qodobbada ay Mooshinkooda ku xuseen.

DHAGEYSO: Wareysi uu Xildhibaan C/raxmaan Xoosh ku Sharraxyo Mooshinkan;

Illaa hadda ma Jiro Wax Jawaab ah oo la Xiriirta Mooshinkan laga gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somalia, iyadoo uusan ahayn Mooshinkii ugu horreeyay oo ka dhan ah Madaxweynaha oo ay diyaariyeen Xubno  ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Akhriso Qodobbada Mooshin ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya