4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Qurbo-joogta G/Hiiraan oo yeeshay kulan ay uga Tashadeen aayaha Gobolka

Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Iyadoo laga duulayo qorshaha maamul u sameynta gobollada dalka ee ay waddo beesha caalamka ayaa waxaa kulan arrintan looga hadlayay yeeshay qurbo-joogta kasoo jeedda gobolka Hiiraan ee ku nool caalamka daafihiisa.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen illaa 50-xubnood oo caalamka dalacaddiisa kala jooga ayaa waxay uga qaybgaleen taleefoonnada shirarka loo isticmaalo ee Tele-conference, waxaana diiradda lagu saaray kulankan qorshe lagu doonayo in maamul wadajir ah loogu sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo qorshahiisu ay waddo beesha Caalamaka

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday sidii ay reer Hiiraan uga baaran-degi lahaayeen qorshaha maamul u sameynta gobollada ee xilliga socda, gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo sidii ay uga baaraan-degi lahaayeen.

Xubnaha kulanka ka qaybgalay ayaa wax iska weydiiyeen xaaladda guud ee uu gobolku ku sugan yahay, waxaana qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in gobolka Hiiraan uu maamul ahaan u istaagi karo, maadaama uu ahaa gobolka keliya ee ka haray sideeddii gobol ee Somalia.

Waxayna xubnahan aad uga doodeen maamul u sameynta beesha caalamku waddo iyo qaabka ay reer Hiiraan uga qayb-geli lahaayeen qorshahaas oo la doonayo in dalka oo dhan lagu baahiyo.

Ugu dambeyn, kulanka Teleconference-ga oo saacdo socday ayaa lagu magacaabay guddi farsom oo ka kooban shan xubnood oo abaabula kulan dambe oo la isugu yimaada, kaasoo looga tashan doono aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan

Shirweynahan dambe ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco gudaha dalka, iyadoo ay kasoo qayb-geli doonaan xubnaha dalka gudihiisa ku sugan ee gobolka ka soo jeeda, si talada ay wax ugu yeeshaan.

Dhawaanahan ayaa waxaa gobolka Hiiraan ka socday wada-tashiyo arrintan ku saabsan, iyadoo odayaasha-dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay horay u sheegeen inay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax u wakiisheen arrimaha maamul u sameynta gobolka Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya