4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Guddi Nabadgalyo oo Amar ku soo Rogay Gaadiidleyda Magaalada Baydhabo


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Guddiga amniga magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa amar kusoo rogay gaadiidleyda magaaladaas ka shaqeeya, kaasoo ah in aysan ka bixi karin magaalada soona geli karin xilliyada habeenkii ah.

Amarkan ayay guddigu ku sheegeen inuu yahay mid lagu doonayo in amniga magaalada lagu xoojiyo iyo sidoo kale degmooyinka gobolka Bay oo dhan, uuna amarkan dhaqan-galayo caawa oo Talaado ah.

“Tani waa mid aan ku doonayno inaan amniga degmada ku xoojinno, si aan uga hortagno falalka ammaan-xumada ah ee Baydhabo laga geysto,” ayuu yiri taliyaha booliiska, Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa gaadiidleyda ugu baaqay inay amarkan u hoggaansamaan, isagoo xusay in tallaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono ciddii amarkan ku xad-gudubta, inkastoo uusan si cad u sheegin ciqaabta la marin doono nooceeda.

Gaadiidleyda gobolka Bay iyo kuwa degmada Baydhabo ayaan weli ka hadlin amarkaan cusub ee lagu soo rogay, iyadoo gaadiid badan ay geli jireen magaaladaas xilliga habeenkii ah kuwo kale oo xamuul u badanna ay ka bixi jireen.

Amarkan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia oo uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Degmada Baydhabo oo ka mid ahayd degmooyinkii sannadihii lasoo dhaafay laga qabsaday Al-shabaab ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weerarro lagu waxyeelleeyay dad shacab ah iyo booliiska degmadaas ka howlgala.

Baydhabo ayaa waxaa dhanka kale ka socda shirar kala duwan oo xubnaha dowladda ee ku sugan ay la leeyihiin waxgaradka iyo shacabka, kuwaasoo lagu doonayo in lagu hirgeliyo maamul ka kooban saddex gobol, inkastoo ay fikirkaas kasoo horjeedaan xubnaha maamulka lixda gobol.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya