4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Kulan looga hadlayay Abaaraha Soomaaliya oo ka dhacay Nairobi (SAWIRRO)


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Kulan uu soo qaban-qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadamnimada oo looga hadlay xaaladaha abaareed ee ka jirta gobollada Soomaaliya qaarkood ayaa lagu magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo wakiilo ka socday beesha caalamka, kuwaasoo si qoto-dheer uga hadlay xaaladaha bani’aadamnimo ee xilligan ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii loo wajihi lahaa xaaladahaas, gaar ahaan abaaraha kasoo cusboonaday qaybo ka mid ah Somalia, iyadoo la isku af-gartay in dedejiyo gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu saameynta ku yeesheen, si aysan u soo laaban macluushii 2011-kii ka dilaacday Soomaaliya.

Wasiirka beeraha Somalia ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha, Cabdi Axmed Maxamed (Baafo) oo kulan hadal ka jeediyay ayaa wakiiladii ka socday beees beesha caalamka u sharraxay heerka ay gaarsiisan yihiin abaaraha ka jirta Soomaaliya iyo meelaha ugu daran iyo sidii grgaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaannadaas.

Baafo ayaa sheegay in gobollada haatan ugu daran ay ka mid yihiin. Bakool, Bay, Gedo, Hiiraan iyo kuwo kale, wuxuuna xusay inay jiraan dad badan oo ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha ka jira gobolladaas.

Xubnihii ka socday dalalka deeqaha bixiya ee kulanka ka qayb-galay ayaa ku dhawaaqay inay inay gurmad u fidin doonaan dadka deegaannadaas ku nool, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan Al-shabaab laga qabsaday.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horay ugu dhawaaqay in abaaro daran ay ka jiraan qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo caalamka ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Gobollada ay abaaruhu ka jiraan ayaa waxaa harraad iyo gaajo ugu dhintay dad badan oo isugu jiray carruur iyo dad waaweyn oo haweenku ay u badan yihiin, iyadoo abaaruhu u muuqdaan kuwo sii baahaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya