4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Taliyaha Booliiska oo ka Warbixiyay Howlgallo lagu sugayo Amniga Muqdisho


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa tilmaamay ciidanka booliska ay ka gaareen guulo sugidda amniga Muqdisho, kaddib markii ay qaadeen howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga, kana hortageen falal la doonayo in amniga lagu waxyeelleeyo.

Jen. Maxamed Sheekh oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa xusay in tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka taliska booliiska Soomaaliya ay sameeyeen howlgallo si taxadar ku jiro loogu bartil-maameedsanayo dad ka tirsan Al-shabaab, isagoo tilmaamay inay qabtaan xubno falal dilal ah ka geystay Muqdisho.

“Kaddib markii argagixisada looga guuleystay dagaalladii tooska ahaa ee ay la galeen ciidamada dowladda, waxay maciinsadeen inay ku dhex-milmaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo adeegsanaynaa khibraddeenna sugidda amniga aan u leennahay waxaan bartilmaameedsannay baro cayiman oo cadowgu iska soo abaabuli jiray,” ayuu taliyuhu yiri.

Wuxuuna intaas ku daray. “Awooddii Al-shabaab ku lahayd Muqdisho hadda waa soo dhammaatay waxaana tusaale idin kugu filan weerarkii ay maalmo ka hor ku qaadeen xarunta hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir iyo sidii looga hortagay.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in deegaannadii dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab in la geyn doono ciidammo booliis ah si ay gacan uga geystaan sugidda amniga deegaannadaas iyo shacabka ku nool oo mudada dheer ay ka talinaysay Al-shabaab.

"Hadafkeennu waa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya oo dhan, sidoo kalena la cirib-tiro Al-shabaab iyo Al-qaacida. Tallaabada noogu muhiimsan waa in aan gaarno hadafkan, degmooyinkii iyo deegaannadii dhawaan la xoreeyay argagxisada waxan u qorshaynay inaan geyno ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Maxamed Sheekh.

Taliyaha booliiska oo sii hadlayay ayaa yiri. “Waxaan sameynay howgal lagu soo qabtay kontomeeyo ruux oo amniyaadka iyo xubnaha sare oo kooxda Al-shabaab ka tirsanaa. Waxaana si gaar ah loola socdaa abaabullada ay soo wadaan sida aan wararka ku helayno, taasna waxay noo saamaxaysaa inaan mar walba la socono dhaq-dhaqaaqyada lagu waxyeelaynayo shacabkeenna, isla markaana dib-u-dhac loogu ridayo dadaallada ay waddo dowladda ee la xiriira sugidda amniga dalka.”

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya hay'adaha amaanka si looga guulaysto Al-shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“Haddii aan ku guuleeysanno inaan si wadajir ah u sugno amniga Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah inaan tusaale wanaagsan u noqon karno dadka gobollada kale ee dalka ku nool si ay noogu daydaan oo aan hal meel uga soo wada jeesanno Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Jen. Maxamed Sheekh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya