4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Ergayga QM ee Arimaha Somalia oo ka hadlay weerarkii Is-miidaaminta ahaa


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay duleedka Muqdisho ee dadka badan ee shacabka ah ay dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaartay.

Warsxaafadeed uu soo saaray Kay ayuu ku yiri “Waxaan ka naxay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, dadkaasoo weerkii shalay lagu laayay. Kuwa colaadda wada waxay muujinayaan inaanay u hayn dadka Soomaaliyeed wax aan ahayn dhibaato joogto ah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Soomaalida inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka inta lagu gudo jiro baaritaanka dembiyadan foosha xun si dembiilayaasha cadaaladda loo horkeeno.”.  

Ismiidaamintan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20-qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen soddomeeyo kale ayaa waxaa mas’uuliyaddeeda sheegatay Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay ku dileen saraakiil Mareykan ah oo tababar siiya ciidamada dowladda Soomaaliya.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarkan ay kaga dhaawacmeen laba askari oo ciidamadooda ka mid ah, balse aysan jirin wax dhimasho ah oo dhankooda kasoo gaartay, iyagoo intaas ku daray inay dad badan oo shacab ah ay naftooada ku waayeen. 

“Waxaan sii xoojinaynaa taageeridda shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga shaqeyaan xaqiijinta rajadooda ku aaddan mustaqbal xasillooni iyo nabad. Waqtigani waa inuu noqdaa waqti dib-u-heshiisiinta iyo weliba ka talinta danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu Kay ku yiri qoraalkiisa.

Danjiraha ayaa ku celcelinayaa baaqii dowladda ay u dirtay kuwa diyaarka u ah inay kasoo laabtaan colaadda oo ay ku biiraan hannaanka siyaasadeed ee dalka ka jira si nabad loo gaaro.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibbada dhammaan dadkii weeraradii argagixiso ee shalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabi ee duleedka Muqdisho. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya