4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Xukuumadda oo Shaacisay in ay Baarayso Kufsiga lagu Eedeeynayo AMISOM


Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Shiikh Axmed ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay eedeymaha la xiriira falalka galmada ah ee lagu sheegay warbixintii Human Rights Watch taasoo ay geysteen ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay cambaaareynayso dhammaan noocyada xad-gudub ah ee dhanka ka ah dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an buu yiri inaan xaqiijinno ciddii ku kacday falkaas si cadaaladda loo horkeeno.

“Xukuumaddu waxay ku sameyn doontaa eedeymahan baaritaan qoto-dheer oo deg-deg ah, waxaana qaadaynaa tallaabo lagama maarmaan ah sidii loo eedeymahan lagu xaqiijin lahaa. Waxaana naga go’an ilaalinta xuquuqda shacabkeenna, gaar ahaan haweenka iyo carruurta,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in xadgudubyada noocan oo kale ah ee dhiig-miiradka ah aanay dowladdu aqbali doonin, lana ilaalin doono dhammaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.

“Dowladda Soomaaliya waxay weydiisanaysaa AMISOM iyo waddamada ay ka socdaan ciidamada inay ka qaybqaataan ilaalinta xuquuqda shacabkeena iyo inay ka qaybqaataan baaritaanka lagu xaqiijinayo kuwii xadgudubyada ku kacay,” ayuu lagu yiri warbixinta.

Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri. "Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nolol xor ka ah argagixisada, dhammaanna waa inay doorka ku yeeshaan hirgelinta, kormeerka iyo u doodidda kuwa jilicsan."

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku celiyay inay xukuumadda ka go’an tahay in caddaaladda la horkeeno cid walba oo ku lug yeesha eedeymaha galmada ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya