4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Afhayeenka AMISOM oo sheegay inaanu jirin Sarkaal Mareykan ah oo la dilay

Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegeen in ay ku dileen weerarkii shalay ay ciidamad AMISOM kula beegsadeen meel duleedka ka ah caasimadda Somalia sarkaal Mareykan ah.

Col. Xumad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaas, wuxuuna xusay in laba ka mid ah askartooda ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka, wax dhimasho ah oo soo gaarayna aysan jirin.

“Hadalka Al-shabaab ay sheegtay waa mid been ah oo aanay waxba ka jirin, ma jiro sarkaal shisheeye ah oo weerarkaas wax ku noqday, labo askari baa nooga cawirmay innaga,” ayuu yiri Col. Xumad.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu weerarkaas kasoo gaaray dad shaaca ah oo gaadiid saarnaa, taasoo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

“Dadweyne shacab ah oo badan ayaa ku dhintay weerarka, wuxuuna ahaa mid lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, waana been wararka ay sii daayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka AMISOM.

In ka badan 20-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarkaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, weerarkaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Afhayeenka howgallada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa mid ay ugu aargudayeen hoggaamiyahoodii la dilay, isagoo xusay inay ku dileen saraakiil Mareykan iyo Koonfur Afrikaan isugu jiray.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay inay howlgallada noocan oo kale ah sii wadi doonaan, ayna beegsan doonaan cid walba oo dowladda iyo AMISOM ka tirsan, isagoo sheegay in Al-shabaab ay ka go’an tahay inay dagaalka sii xoojiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya