4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
Midowga Afrika oo beeniyay in ciidankoodu ay geysteen xadgudub Galmo ah

Talaado, September 09, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrka ayaa beeniyay warbixintii hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo ahayd inay ciidamada AMISOM xadgudubyo galmo ah ka geystaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in aysan ciidamadoodu jooga Soomaaliya geysan xadgudubyo galmo ah, iyagoo sheegay inay sameynayaan baaritaanno ku aaddan arrintan haddii ay run noqotana ay tallaabo ka qaadi doonaan askartii ku kacay falkaas.

“Eedeymaha noocan oo kale ah ma ahan kuwo loo dulqaadan karo. Warkana ma ahan mid dhiilli-tiran oo lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Afrika, iyagoo ku tilmaamay in tani ay tahay mid askartooda lagu ceebeynayo.

Sidoo kale, warbixinta ururka ayaa lagu sheegay in hay’adda HRW ay lambar yar oo kiisaskan ay soo qaadatay, iyadoo ku sheegtay in 21 haween ah ay la kulantay, kuwaasoo qaarkood askar badan ay si naxariis-darro ah kufsi ugu geysteen, balse lama caddeyn ciidamada kufsiga geystay cidda ay yihiin.

“Ma ahanayn warbixinta mid ku qotonta baaris dhameystiran oo falalkaan lagu sameeyay. Waxaan u aragnaa inay tahay mid la dhoodhoobay,” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Afrika uu soo saaray.

Ururka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in HRW ay warbixxnteeda ku sheegto in ciidamada AMISOM oo dhan ay xadgudubyadan geysteen, balse aan lagu sheegin inay askar gaar ah geysteen, waana mid aan aad uga xunnahay oo aan ku dhisnayn habka baarista caalamiga ah.

“Falalkan haddii ay geysteen askar kooban oo AMISOM ka tirsan ma ahayn in eedda dusha laga saaro ciidamadeenna oo dhan, taasi waa arrin aan loo meel-dayin,” ayaa mar kale warbixinta lagu yiri.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay in ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi ay kufsadeen haween Soomaaliyeed, iyagoo siinaya lacago aad u yar ama u sheegaya inay guursanayan, halka kuwo kalena ay si khasab ah ugu galmoodeen haweenkaas.

Ugu dambeyn, ururka Midowga Afrika ayaa warbixintiisa ku sheegay inay u joogaan ciidamadooda Soomaaliya sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, ayna baaritaan ku sameynayaan eedeynaya HRW ay soo bandhigtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya