4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 9 , 2014
FAAHFAAHIN: Warbixintii Hay'adda HRW ee tacadiyada ay geystaan AMISOM

Laetitia Bader oo soo bandhigay warbixintii Human Rights Watch ee tacadiyada dhinaca galmada ah ee ay geystaan askarta AMISOM 


Talaado, September 09, 2014 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay magaalada Nairobi ku qabteen Baarayaal ka tirsan  Hay'adda Xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, ayey ku sheegeen in  tacaddiyo dhanka galmada ah ay geystaan askar ka tirsan Ciidamada Midowga Africa ee howl-galka Somalia ee AMISOM.

Laetitia Bader oo ah Cilmi baare dhanka Somalia u qaabilsan hay'adda Xaquuqul Insaanka Human Rights Watch, ayaa shirkaas jaraa'id ku soo bandhigtay Warbixin loogu magac daray "Xoogga ay Raggaan Nagu Haystaan" taasoo muujineysay dhibaatooyin kufsi iyo tacaddiyo dhanka galmada ah iskugu jiro oo Ciidamada AMISOM ay kula kaceen Haween iyo Gabdho da'yar oo Soomaaliyeed tan iyo sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2013.

Warbixinta oo ka koobneyd 71 bog, ayaa waxey iskugu jirtay;- Xog la soo arruuriyay, Talo bixin iyo Baaq.

Baarayaasha, ayaa sheegay iney xogta ka heleen qaar kamid ah dumarka iyo gabdho ay kufsadeen Shaqaalaha Militariga Yugaandha iyo Burundi ee ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee Somalia.

Liesl Gerntholtz oo ah Agaasimaha waaxda xuquuqda haweenka ee hay'adda Human Rights Watch, ayaa sheegtay in qaar ka tirsan Askarta Midowga Africa ee AMISOM ay si khaldan u isticmaaleen awoodooda, ayagoona si xun oga faa'ideystaan haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed ee aadka u nugul.

"Soomaaliya waxaa ka jiro dhibaatooyin badan oo adag, balse hogaanka Somalia iyo Midowga Afrika wey dhameyn karaan si xun oga faa'ideysiga iyo tacaddiyada galmo haddii ay ku khasbaan wadamada ciidamada geeya Soomaaliya iney wax ka qabtaan gabood-falayaasha" ayey tiri Liesl Gerntholtz.

Saboolnimada iyo cunno la'aanta haysato Dumarka soo barakacay, ayaa lagu sheegay iney ku qasabtay haween iyo gabdho da'doodu ay ka yar tahay 18 sano jir, iney u raadsadaan xeryaha AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho Cuno iyo Daawooyin, balse taas badalkeeda ay la kulmaan tacadiyo madaama qaar kamid ah Askarta AMISOM lagu eedeyay iney ka faa'ideystaan gar-gaarka bi'aadanimo si ay ugu qasbaan dumarka tacaddiyo galmo.

Human Rights Watch, ayaa sidoo kale sheegtay in askartu ay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah u geystaan dumar badan, ayagoona mararka qaar jir dilo, halka kuwa kalana uu ku dhacay cudurada galmada lagu kala qaado.

Turjumaano, Dalaaliin Soomaali ah iyo waliba shaqaalaha xarunta sare ee howl-galka Midowga Africa ee Somalia, ayey sheegtay Hay'addu iney u sahlaan askarta AMISOM u soo xero galinta haweenka ay tacaddiyada xun kula kacaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka ka badbaado si xun oga faa'ideysiga galmada iyo kufsiga ay geystaan ciidamada AMISOM, ay caqabado kala kula kulmaan sidii ay u heli lahaayeen caawinaad iyo caddaalad. Sidoo kalana aynan haysanin meel ay ku gudbin karaan ashtakooyinkooda xili ay ka baqayaan iney la kulmaan ceebeyn iyo takoorid.

Wadamada ciidama geeyay Somalia, ayey sidoo kale sheegtay hay'addu in aynan wax mudnaan ah siinin- wax ka qabashada dhibaatooyinkaas.

Hay'adda Xaquuqul Insaanka HRW, ayaa talo ahaan ugu soo jeediyay Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo dowlada Somalia iney qaadaan tillaabooyin looga hortagaayo Tacaddiyada galmo ee ay geysanayaan ciidamadu, waxeyna cadeeyeen in haweenka la kulmo dhibaatooyinkaas ay ku adag tahay iney sheegaan xili ay ka baqaan in la dilo ama ay dhibaatooyin kale oo aar-goosi ah loo geysto.

Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday Wadamada deeq bixiyayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dowlada Ingiriiska iney taageeraan kormeerayaal madax banaan si looga hortago in mar kale ciidamada AMISOM, ay   geystaan tacaddiyo noocaas oo kale ah.

Wariyayaashii ka qeyb galay kulankaas, ayaa baarayaasha weydiiyay in ay jiraan tacaddiyo galmo oo ay geysteen ciidamada AMISOM ee ka socdo wadamada kale sida kuwa Kenya ee ku sugan Somalia, balse baarayaasha ayaa ku jawaabay in baaritaankoodu uu ku saabsanaa oo kaliya xeerooyinka ay magaalada muqdisho ka degan yihiin Ciidamada ka socdo wadamada Uganda iyo Burundi; kuwaasoo ay sheegeen iney gabood-falo geysteen.

Somalia ayaa waxaa ku sugan Ciidamada ka socdo Midowga Afrika oo tiradooda lagu sheegay iney gaareyaan ilaa 22,000  (labo iyo labaatan kun oo askari) kuwaasoo ka kala yimid wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Sierra Leone.

Sanadkii 2007, ayaa markii ugu horeysay Golaha Midowga Africa ee Nabada iyo Amaanka oo ogolaansho ka haysto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu ciidamo nabad illaalin ah oo ku howl-galaayo magaca AMISOM uu geeyay Somalia. Kuwaasoo ujeeddadoodu ay aheyd iney soo celiyaan amaanka iyo kala danbeynta, sidoo kalana ay illaalinta xarumaha iyo Saraakiisha dowlada Somalia iyo iney caawiyaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan gargaarka bini'aadanimo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]  | [email protected]
Nairobi – Kenya