4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka Al-shabaab


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inuu waqtigeeda sii dhammaanyo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shacabka badan ay ku geeriyoodeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

“Kooxaha argagixisada ah waxxay caadeysteen inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Waxaana leennahay kuwa nabadda-diiddan waqtigiinu wuu dhamaaday, waana la kulmi doontaa ciqaab la mid ah tan aad shacabka u geysateen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa tacsi u diray ehellada dadkii weerarkaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad qab deg-deg ah soo bogsasho.

“Dowladda Somalia waxaa ka go’an inay sii waddo dagaalka ay kooxaha argagixisada ee waqtigoodu dhamaadka yahay kula jirto. Waxaana socda howlgallo dalka oo dhan looga sifeynayo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

Weerarkan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu dilay 20-qof oo ahaa shacab la socday gaadiidka dadweynaha, waxaana sidoo kale ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan tiro ka mid ah dadkii gaadiidkaas saarnaa.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkan oo ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, iyagoo sheegay in weerarkan uu ka mid yahay kuwa ay doonayaan inay ugu aargudaan hoggaamiyahoodii dhintay.

Dhanka kale, weerarkan oo lala beegsaday gaadiid ay wateen AMISOM ayaa waxaa ku dhaawacmay sida ay sheegeen madax ka  tirsan dowladda afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen askarta AMISOM iyo laba sarkaal oo kasoo jeeda dalka Mareykanka. Inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inuu ahaa bar-tilmaameedkooda saraakiisha caddaanka ah ayna dileen.

Madaxda dowladda Somalia ayaa inta badan cambaareeyay weerarradan oo kale, iyadoo aysan jirin wax kale oo ay dowladdu ka qabto, iyadoo ay inta badan weerarrada noocan sheegato mas’uuliyadooda Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya