4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
DAAWO SAWIRRO: Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay duleedka Muqdisho


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta ayaa qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidanka AMISOM ayna ku dhinteen 20-qof oo shacab wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa meel ku dhow deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegay Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen hoggaamiyihii laga dilay ee Axmed Godane.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay qaraxii maanta ku dileen saraakiil isugu jiray Mareykan iyo Koonfur Afrikaan, kuwaasoo uu xusay inay tababar ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxan, sidoo kale AMISOM ayaan iyaduna ka hadlin, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkaas laba ka mid ah askarta  AMISOM.

Sidoo kale, Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay soddomeeyo qof oo rayid ah, kuwaasoo la socday laba gaari oo kuwa dadweynaha ah oo midkood uu ku socday degmada Afgooye halka kan kalena uu kusoo socday Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inuu la socday gaadiidka la beegsaday ayna ku dhaawacmeen laba ka mid ah ciidamada AMISOM iyo laba sarkaal oo ka tirsan shirkada Pan-craft ee Somalia ku sugan.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa dadkii ku geeriyooday waxay isugu jireen dad waaweyn iyo carruur, iyadoo uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab fuliso tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii Axmed Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya