4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Taliye ku xigeenka Nabadsugidda gobolka Banaadir oo Qarax lagu dhaawacay

Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir, C/fataax Ibraahim Shaaweeye ayuu dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay maanta deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaa sheegay in C/fataax uu soo gaaray dhaawac fudud, laguna weeraray gaadiidkii uu watay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

“Caafimaadka saaxiibkeen waa wanaagsan yahay hadda, waxaana kooxda Al-shbaab ay ku weerartay gaari miineysan, dhaawac fudud ayaana gaaray,” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay nabadsugidda.

Isagoo sii hadlaya ayuu sarkaalku sheegay in gaari NOAH ah oo miineysan la doonayay in lagu weeraro, balse ay ka hortageen ilaaladiisii gaarka ahaa ee la socday.

“Wuxuu kasoo laabtay halkii uu qaraxu maanta ka dhacay xilli uu waday dad dhaawac ah ayuuna waday, waxaana si lama filaan ah lagu weerarka,” ayuu mar kale yiri sarkaalkan ka tirsan nabadsugidda, isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Taliye ku xigeenka nabadsugidda gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah siin saxaafadda, iyadoo dhaawiciisan uu kuso beegmayo xilli xukuumaddu ay ka digtay dhawaan inay dhici karaan weerarro aar-gudasho ah oo laga yaabo inay Al-shabaab soo qaaddo.

Inkastoo aanay weli Al-shabaab sheegan qaraxan ayaa haddana saraakiil u hadlay nabadsugidda gobolka waxay sheegeen inuu ka mid ahaa kuwii ay ka geysatay Al-shabaab maanta duleedka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya