4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, gaar meel ku dhow deegaannada Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay telefishinka Al-jazeera ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka ahaayeen qaraxaas ayna ku dileen saraakiil Mareykan ah.

“Qaraxan wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa aan ugu aargudano hoggaamiyihii Al-shabaab ee la dilay, waxaana ku dilnay sarkaal tababar ku siiya Muqdisho ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale oo la socday,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Siidii ayaa sheegay in qaraxaas ismiidaaminta ah ay dad badan oo shacab ah ku dhinteen, sidoo kalena ay kazoo gaareen dhaawacyo laba askari oo AMISOM ka tirsan iyo laba sarkaal oo kale oo Pan-Craft ka tirsan. 

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in afarta ruux ee ay weerarkaas ku dileen ay saddex ka mid ah ahaayeen Mareykan iyo ruux Koonfur Afrika u dhashay, inkastoo ay qaraxaas ku dhinteen 20-qof oo shacab ah.

Weerarkan oo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidamadii gaariga la socday, iyadoo dadka shacabka ah ee dhintay ay isugu jireen dad waaweyn iyo carruur.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale ah, isagoo mar kale ku hanjabay inay u aargudi doonaan hoggaamiyihii uu Mareykanku ka dilay.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab geysato tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii Axmed Godane iyo laba sarkaal oo ka mid ahaa abaanduulayaashooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya