4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalaya shirweyne caalami ah


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u kicitimay magaaladda Dubia ee dalka isku taga imaaraadka Carabta oo shir caalami ah kaga qaybgallayo.

Madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa inta aanu dhoofin warbaahinta ugu waramayey qolka nasashadda ee madaarka magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in shirkaasi yahay mid ay iskugu imanayaaan madaxda galbeedka qaaradda Afrika kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan sideed madaxweyne oo afrika ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in loogu casuumay in marti sharaf ahaan kaga qaybgallaan shirkaasi oo uu xusay inay fursad fiican u tahay Somaliland inay aduunka isbarto.

“Saaka waxaan u dhoofay Imaaraadka Carabta oo aan kaga qaybgalayo shir caalami ah oo ka furmaya loogana hadlayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Afrika iyo sidii loo maalgashan lahaa, waxaana kasoo qaybgalay madaxda dalalka galbeedka Afrika sida; Benin, Burkina Faso, Ivory Cost , Geni Bissau, Mali, Niger, Senegal iyo Togo, waxa kale oo shirkaasi ka soo qaybgallay Hay’addo caalami ah, dalalka deeqaha bixiya iyo Somaliland marti sharaf ahaan loogu casuumay”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaya ujeedada safarkoodda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiir-u-dowladaha maaliyadda Cismaan Saxardiis,  xaaskiisa iyo xubno kale.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland