4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
GAAFOOW: “Baasaboorro loo waday Somaliland ayaan ku qabanay Garoonka”


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Taliyaha hogaanka socdaalka & jinsiyadaha Somalia Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay maanta inay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku qabteen baasaboorro loo waday Somaliland.

Jen. Gaafow ayaa intaas ku daray in baasaboorrdan ay tiradoodu tahay 50, kuwaasoo isugu jiray baasaboorkii cagaarnaa iyo midka hadda la isticmaalo ee E-Passport-ka ah, isagoo intaa raaciyay in la doonayay in Somaliland looga soo kexeeyo iskuul dhiganaysa.

“Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, tiradooduna waxay ahayd 42 baasaboor oo kuwa cagaaran ah iyo siddeed E-Passort ah, raggii watayna gacanta ayaan ku haynaa baaritaanno ayaana ku socda,”  ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow

Sidoo kale, taliyaha socdaalka ayaa sheegay inay horay garoonka Muqdisho ugu qabteen nin u dhashay dalka Zanzibar oo ka yimid magaalada Telaviv ee dalka Israa'iil watayna baasaboorkii cagaarnaa ee horay loo isticmaali jiray.

Jen. Gaafow oo sii hadlayay ayaa sheegay in ninkaan ka yimid Telaviv ay ku socdaan baaritaanno la xariira isticmaalka baasaboorka cagaaran, isagoo ka digay in baasaboorka cagaaran la isticmaalo, lana ogol yahay oo keliya inay dadku isticmaalaan baasaboorka Electronic-da ah.

Dhinaca kale, raggii lagu qabtay baasaboorradan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay baasaboorradan yihiin kuwo ay leeyihiin arday ku nool Somaliland, isla markaana ay fiiso uga soo qaadeen safaaradda Suudaan ee Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u joojisay isicmaalka baasaboorkii hore ee cagaarnaa, waxaana qofkii lagu qabto ay ku sheegeen in uu ciqaab adag uu muteysan doono ama loo aqoonsan doono inuu Al-shabaab ka tirsan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya