4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Ergayga Qaramada Midoobay oo Baydhabo tagay lana kulmay Prof. Jawaari


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa maanta tagay Baydhabo, isagoo kulan la qaatay xubno uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno wafdigiisa ka tirsan oo maalmahan ku sugnaa Baydhabo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro, guddiga farsamada maamul u sameynta Koonfur-galbeed ee uu soo magacaabay ra'isul wasaare C/weli Sheekh Axmed; waxaana kulanka looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hannaanka maamul goboleedka Koonfur-galbeed.

Nicholas Kay oo kulanka markii uu soo dhamaaday la hadlay saxaafadda ayaa ku ammaanay guddoomiyaha baarlamaanka sida uu isugu howlay is-fahmka iyo heshiisiinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, isla markaana uu waqti uu geliyay. Waxaana uu dhanka kale tilmaamay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab-taagan tahay natiijooyinka dadaallada socda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari oo isaguna saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa uga mahad-celiyay QM taageerrada ay ballan-qaaday inay la garab taagan yihiin shacabka ku nool gobollada Koonfu-galbeed, isagoo xusay in inta uu kulanka socday looga hadlay halka ay marayaan dadaallada maalmihii lasoo dhaafay uu u joogay Baydhabo oo hadda meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale, mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol oo lagu magacaabo Leesto ayaa sheegay inay kulan la qaateen danjire Kay ayna u sheegeen inuu maamulkoodu uu isagu ka socon la’yahay, wuxuuna xusay inuu raalli-gelin ka bixiyay arrintaas.

Booqashada Kay uu ku tagay Baydhabo ayaa imaanaya iyadoo dadaallo ay ugu jirto dowladda Soomaaliya sidii ay ku dhisi lahayd maamul saddex gobol ka kooban, taasoo u muuqata in weli la isku af-garan la’yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya