4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Jidka isku Xira Muqdisho iyo Afgooye


Isniin, September 08, 2014 (HOL) —  Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay soddomeeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Xaawo Cabdi.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo lagu bartilmaameedsaday sida ay goobjoogayaashu sheegeen gaadiid ay askar AMISOM ah wateen oo waddadaas marayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo khasaare badan geystay, waxaana gubtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan oo gobol ka yimid kuna socday Muqdisho, gaari kalena oo caasi ahna khasaare ayaa gaaray,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka ku nool meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sheegtay inay arkeen laba askari oo AMISOM ka tirsan oo qaraxaas ay kasoo gaareen dhaawacyo, iyadoo gabadhan xustay in ruuxna uu ka badbaadin gaarigii uu qaraxu haleelay.

“Baabuurka oo dhan wuu gubtay, dadkii saarnaa oo mayd ah ayaana laga dajinayaa hadda, waddada oo dhan waa la xiray, maydadkana waa la kala garan la’ayahay,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.

Dr. Aamino oo ay dhashay Xaawo Cabdi oo ka mid ah dadkii goobta gaaray ayaa sheegtay inaysan weligeed arag dad gubtay oo noocan oo kale, iyadoo sheegtay inay ahaayeen dadka waxyeelladu soo gaartay masaakiin ah.

Sidoo kale, madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina, Duniyo Maxamed Cali ayaa iyaduna sheegtay in las oo gaarsiiyay 26-ruux oo dhaawacyo qaba, qaar ka mid ahna ay kulligood gubteen, iyadoo sheegtay in dhaawacyadu ay ahaayeen kuwo halis ah intooda badan.

Hay’adaha amniga dowladda ayaan weli ka hadlin, iyadoo gaariga uu sida lama filaanka ah u haleelay ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose uuna ku socday Muqdisho.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo ka ag-dhawaa halkaas, kuwaasoo qaar ka mid ah la sheegay inay xaaladdoodu daran tahay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli dowladdu ay ka digtay weerarro ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda qaraxa lala bartilmaameedsaday ayaan ka hadlin weli qaraxa iyo khasaaraha kazoo gaartay, waxaase qaraxu uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya