4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Booliiska Jaramlka ee Frankfurt oo Qabtay Sadax qof oo laga shakisan yahay


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Seddex ruux oo haysta dhalashada dalka Jarmalka ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Frankfurt ,xilli ay ka soo laabteen dalal ku yaalla bariga Afrika ,waxaana sida la sheegay looga shakisanyahay in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in sedexdan ruux la xiray wax yar ka dib markii ay ka soo dageen diyaaraddii sidday,,waxana gacanta lagu dhigay asbuucii hore sida lagu daabacay wakaalada wararka ee DPA.

Mid kamid ah wariryaasha gobolka ayaa soo wariyay in raggan loo haysto eedaymo la xiriira in ay wax ka gaysteen falal argagaxiso oo ka dhacay waddamo ay Somaliya ku jirto ,waxaana la geeyay xabsi gaar ah sida uu sheegay.

Lama sheegin waxyaabaha rasmiga ah ee raggan ay damacsanaayeen, iyadoo ay booliiska ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan macluumaadka la xiriira seddexan ruux.

Kooxda Al-shabaab oo hogaamiyahoodii ugu sareeyay la dilay maalmo ka hor ayaa weerarro argagaxiso dhowr jeer oo hore ka fuliyay wadamada dariska la ah Soomaaliya oo ay ku jirto Kenya oo ah halka ay raggan ka soo dhoofeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]