4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
Xuska Maalinta Akhris-Qoraalka Adduunka oo Maanta lagu Qabtay Muqdisho


Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Ururka waddaniga ah ee waxbarasha loo dhan yahay ee Education for All Somalia "EFASOM" ayaa Muqdisho ku qabatay maanta kulan lagu maamuusayay xuska maalinta akhris-qoraalka adduunka ee sannadkan 2014-ka, taasoo ku beegan maanta. Iyadoo hay’addu xustay in dadaal u galayso sidii shcabka ay ugu dhiirri-gelin lahayd akhriska iyo qoraalk.

Xuskan ayaa sannadkan looga hadlayay xuska akhris-qoraalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa farta Soomaaliga. Iyadoo dunida oo dhan laga rumeysan yahay in akhris-qoraalka uu wax ka tari karo horumarinta dhaqaalaha si looga baxo faqriga, jahliga iyo colaadaha.

“Sidaan ognahay dalkeena guulo la taaban karo ayuu ka gaaray akhris-qoraalka laga soo billaabo sannadii 1974-kii. Iyadoo miyi iyo magaalada laga hirgeliyay ololaha barashada akhriska iyo qoraalka farta Soomaaliga. Laakiin waxaa dib-u-dhac uu ku yimid muddadii dagaalka sokeeye uu ka jiray dalka. Taasoo ay sabab u tahay dadka badankood oo ka cararay dalka ka dibna la soo laabtay luqado kale. Maamulayaashii dugsiyadda dalka waxay go'aan-sadeen inay wax ku bixiyaan manhaj afka Ingiriisi ama afka Carabi ah. Taas oo hoos u dhigtay afka Hooyo,” ayaa lagu yiri warbixinta EFASOM.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu yiri. "Waxaan jecelnahay inaan xasuusinno dadka Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in afkeenna Hooyo wax lagu aqriyo laguna qoro."

Agaasimaha EFASOM ayaa isna yiri. "Waxaan aad ugu faraxsan nahay in manhajka Af-Soomaaliga la diyaariyay isla markaasna uu jiro dadaal dheeraad ah iyo wadahadal sidii dugsiyadda hoose loogu baran lahaa afka Soomaaliga si ardayga inta uusan dugsiga dhexe u gudbin uu si fiican u barto afka Hooyo, taas ayaana nagu keentay inaan ka qayb-qaadano xuska maalinta aqris-qoraalka adduunka."

Madaxa Jaamacadda Green Hope, Prof. Xuseen Tooxow Faarax horeyna u ahaa masuul ka tirsanaa UNESCO wuxuu sheegey. "Guulihii la gaaray waxaa ugu horreeya markii afka Soomaaliga la qoray shacabka Soomaaliyeed cid waliba rag iyo haween waxay awood u heleen inay afkooda wax ku qoraan waxba ku akhristaan. Tan labaad, af Soomaaliga wuxuu noqday luqadda rasmiga ah ee dowladda ay isticmaasho meesha ay ka isticmaali jirtey afaf kale. Tan kale buugaagta dugsiyada waxaa lagu qoray afka Soomaaliga, taas waxay u suura-gelisay ardayda inay wax ku fahmaan afkooda Hooyo. Tan ugu dambeysa, luqad waliba oo dunida ka jirta waxay xambaarsan tahay dhaqan. Marka af Soomaaliga wuxuu noqday dhaqankii uu xambaarsanaa in lagu soo bandhigo; suuggaanta, dhaqanka ama cilmiga sayniska.”

Yuusuf Maxamed Cabdulle oo ah macallin wax ka dhigta Muqdisho ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in faa'iidooyin ballaaran laga gaaray ololihii far-barashada reer miyiga ee sannaddii 1974.

"Ololahaas waxaa hormuud ka ahaa wasaaradda waxbarashada iyadoo kaashanaysa hay'adda kale ee Qaranka. Ardaydii dugsiyada dhexe iyo sare ayaa waxay u dhaqaaqeen degmooyinka iyo tuulooyinka dalka si loo ciribtiro akhris la'aanta iyo qoris la'aanta. Taasi waxay suura-gelisay in dadka badan-kooda la baro qoristii iyo akhriskii farta qoraalka. Arday abaabulan oo loo tababaray macalinnimo ayaa ugu tagay miyiga odoayaashii, hooyooyinkii iyo dhallinyaradii iyagoo beerahoodii, xoolahoodii iyo duunyadoodii la jooga oo baray far-Soomaaliga. Isla markaasna dadkii waxay billaabeen inay waraaqo isku qoraan," ayuu yiri Yusuf Mohamed. "Sanad-dugsiyeedka 1974-1975-kii ayaa loo baajiyay si loo xaqiijiyo waxbarashada dadka reer miyiga ah."

Idil C/qaadir Xuseen oo ah xubin ka tirsan ururka EFASOM ayaa sheegtay in bulshada haday ka dhisan tahay xagga waxbarashada waxay noqonaysaa bulsho hal abuur leh oo la timaadda horumar.

"Far Soomaaliga in la horumariyo muhiim bay inoo tahay waa afkeenna Hooyo," ayay tiri Nuurto Maxamed Caddo woo ah maamulaha dugsiga gabdhaha agoonta ee degmadda Boondheere, ahna xubin ka tirsan ururka midowga macallimiinta. "Qofka waxbarta wuxuu la mid yahay qof guri nuuraya ku jira." Iyadoo intaas ku dartay. "Qofka aqoonta leh wax badan buu qaban karaa, horumar buu tiigsanayaa. Waxaan ku dhiirri-gelinaynaa gabdhaha Soomaaliyeed inay wax-bartaan illaa heer Jaamacadeed."

Ugu dambeyn, ururka waddaniga ah ee EFASOM ayaa ugu baqay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in midka wax yaqaan uu waxbaro midka kale sida xarfaha Soomaaliyeed loo qoro. Si gaar ah waxay baaq ugu jeedinaysaa bahda waxbarashada ku howlan sida wasaarada waxbarashada, maamulayaasha dalladaha waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada iyo dhammaan aqoon-yahannada Soomaaliyeed inay talaab-weyn u qaadaan dhanka hirgelinta afkeenna Hooyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya