4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2014
JEN. DHEGO-BADAN: “Godanayaashu way badan yihin ee yaan la is-dhigan”

Isniin, September 08, 2014 (HOL) — Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka hortagto in Al-shabaab ay dib u qabsato deegaannadii laga wareegay, isagoo ku baaqay in dagaalka lagula jiro la sii wado.

Abaandulihii hore ee xoogga dalka ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in shacabka iyo ciidamada gacmaha is qabsadaan, si ay guushii la rabay u gaaraan.

“Kuwa nabadda diiddan waa kuwo odayaasha, hooyooyinka iyo caruurta si naxariis darro ah u laaya, waxaa ku baaqayaa in dagaalka halkaas laga sii wado oo aan kooxdan laga harin,” ayuu ku taliyay Jen. Dhego-badan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inaan la is-dhigan haddii uu geeriyooday ruxii hoggaamiyaha u ahaa Al-shabaab, waayo godanayaashu way badan yihiin, waxaana kuwo isaga la mid ah oo weli nool.

“Godane haddii uu dhintay, waxaa qabaa godanayaasha waa badan yihiin wuxuu tababaray jooga wixii wax la qabsaday jooga, Godane waa dhintay yaan barkinta loo dhigan ee ha la digtoonaado,” ayuu yiri Jen. Dhego-badan.

Hadalka taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay ku hanjabay inay hogaamiyahoodii u aar-gudi doonaan, ayna sii xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn ku dileen hoggaamiyihii Al-shabaab iyo saraakiil kale oo la socday, kuwaasoo ay Al-shabaab sheegtay inay ku jireen laba ka mid ah abaanduulayashooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya