4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Dibadbax lagu taageeray howlgalada dalka ka socda oo Muqdisho ka dhacay


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax ay kasoo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah, kuwaasoo sitay boorar ay ku taageerayaan howlgallada socda, iyagoo sidoo kalena ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan in dilka hoggaamiyihii Al-shabaab ay tahay qodax ka siiban tahay Soomaaliya.

Dadweynaha oo isugu soo ururay xarunta degmada Boondheere ayaa waxay khudbado kala duwan ka dhageysteen madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kooxda Iftin ay ka qaadayeen heeso ka tarjumayay nabadda Muqdisho iyo howlgallada socda dalka qaybo ka mid ah.

Guddoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim Cabdulle Xasan oo halkaas ka jeediyay khudbad ayaa uga mahadceliyay shacabka gobolka Banaadir kasoo qaybgalay dibadbaxa lagu taageerayo howlgalka Indian Ocean ee ka socda dalka oo dhan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Maxamuud Seeko ayaa isna khudbad ka jeediyay dibadbaxa lagu taageerayo howlgalka Indian Ocean iyo dilka Axmed Godane, wuxuuna sheegay in ninka Al-shabaab ay ku bedeleen Godane aanu ka badbaadi doonin dil.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa inaysan guryaha ku qarsan Godane u ekeyaasha," ayuu yiri Cali Seeko oo ku booriyay dhallinyarada Al-shabaab ka tirsan inay ka faa'iideystaan 45-ka maalmood ee cafiska oo ay dowladdu ku dhawaaqday.

Cali Seeko ayaa sheegay in dilka Godane uu dhabar-jab weyn ku yahay Al-shabaab, isagoona sheegay in sidii Godane ay u dambeyso ruuxii nabadda qaadan waaya.

Dhinaca kale, waxaa halkaas khudbad ka jeedisay guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab ayaa iyaduna sheegtay in dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn ugu faraxsan yihiin dilka Axmed Godane, waxayna ku boorrisay shacabka meel kasta oo ay joogaan ay diyaar u y`ihiin inay sidii ay dowladda ugala shaqeyn lahaayeen cirib-tirka Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya