4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 7 , 2014
Agaasimihii Guud ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo Xilkii laga Qaaday


Axad, September 07, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda ayaa maanta kulan deg-deg ah oo ay Muqdisho ku yeesheen waxay xilkii kaga qaadeen agaasimaha guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulanka golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa looga dooday xil ka qaadista agaasimaha, iyagoo markii dambena isku raacay xil ka-qaadista agaasimihii nabad-sugidda Sanbaloolshe.

“Golaha wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen agaasimihii guud ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas hay’adda nabadsugidda,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo aysan weli jirin faahfaahinno cad oo sheegaya sababta xilka looga qaaday agaasimihii guud ee nabadsugidda iyo sirdoonka dalka ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inay ku timid khilaaf soo dhexgalay isaga iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee la soo dhaafay xilkan u magacaabay agaasimaha nabadsugidda, isagoo noqonaya agaasimihii ugu xilliga gaabnaa ee haya xilka hay’adda guud ee nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka.

Xil ka qaadista Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu howlo badan oo amniga ah uu qabtay, xalaadda magaalada Muqdishana ay kasoo raynayso marka loo eego wixii ka horreeyay intii uusan xilka loo magacaabin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya