4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Gaashaan-dhigga Maraykanka oo xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii Ururka Al-shabaab

Jimco, September 05, 2014 (HOL) —Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee dalka Maraykanka (Pentagon-ka) ayaa shaacisay in la xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Sheekh Mukhtaar Abu-Zubeyr), oo ku dhintay duqeyn ay Isniintii lasoo dhaafay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen gobolka Shabeelada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanku ay xaqiijiyeen dhimashada Axmed Cabdi Godane oo lixdii sano ee lasoo dhaafay ahaa hoggaamiyaha sare ee Ururka al-Shabaab oo isagu qayb ka ah Ururka al-Qaacida.

" geerida Godane waxay ka dhigan tahay khasaare weyn oo soo gaartay al-Shabaab oo ah laanta ugu weyn al-Qaacida Qaaradda Afrika, waxayna taasi ku timi dadaal sanado badan soconayey oo ay sameeyeen xirfadleyaasheena dhanka sirdoonka, militeriga iyo ilaalinta sharciga..." qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa sidaas lagu yiri.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro argagixisada, si joogto ahna uu taageero u siin doono ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika (AMISOM).

Warka ku saabsan dilka hoggaamiyaha Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuu soo baxay Isniintii lasoo dhaafay [Sep 1, 2014] markaas oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen dhowr kamid ah saraakiisha sare ee al-Shabaab, taasoo ku dhow deegaanka Haawaay oo waqooyiga kaga beegan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Maraykanka ayaa horay u shaaciyey in bartilmaameedka duqeyntaasi uu ahaa xubno uu ku jiro Axmed Cabdi Godane, ilaa iyo haddana ma jiro war ku saabsan duqeyntaas iyo weliba geerida Godane oo kasoo baxay dhanka Ururka al-Shabaab.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya.