4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Hoos u dhac ku yimid Ganacsiga Soomaalidu ay ku lahayd Koonfurta Suudaan

Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Ganacsiga Soomaalida ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa hoos u dhacay, kaddib colaado waddankaas ka dillaacay dhammaadkii sannadkii hore, kuwaasoo u dhexeeya ciidammo taageersan madaxweyne ku xigeenkii hore, Riek Manchar iyo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

Somali fara badan ayaa ganacsiyo ka sameynayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Juba, iyadoo markii ay colaaduhu billowdeen la dhacay hanti badan oo ay Soomaalidu leedahay.

Daahir Axmed Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Suudaan ku nool ayaa sheegay in Soomaalidu ay khasaaro xoogan kala kulantay colaadihii dalkaas ka dillaacay, gaar ahaan kuwa ganacsiga ku leh gobollada Jonglei iyo Caali-niil oo ah meelaha ay daggaallada xooggan ka dhaceen.

“Ganacsatada Soomaalidu waxay billaabeen inay ganacsigooda ula guuraan dalal kale oo Afrikaan ah, sida Congo, Angola iyo Uganda,” ayuu yiri Daahir oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay inay jiraan qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigooda ula laabtay Somalia, kuwaasoo dhiirri-gelin u noqon kara ganacsatada kale, maadaama xaaladda dalka ay haatan kasoo raynayso.

Ugu dambeyn, ganacsade Daahir ayaa sheegay in haddii ganacsatadu ay u wareejiyaan ganacsigooda Koonfurta Suudaan gudaha dalka ay wax badan ka qaban karaan shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waddanka Koonfurta Suudaan ayaa sheegay waxaa ka socda colaado aad u xooggan, kuwaasoo sababay inay dad badan ku dhintaan, kuwo kalena ay ka barakacaan dalkooda, sidoo kalena ay dalkaas ka baxaan dadkii ajaanibta ahaa ee ku noolaa dalkaas.

Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Soomaalida ee Koonfurta Suudaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan xukuumaddu federaalka Somalia ay shaaca ka qaadday inay xirayso safaaraddii ay Somalia ku lahayd Koonfurta Sudan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya