4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Taliyaha Xoogga Dalka oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Uganda

Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada xooga dalka, Jen. Dhaair Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta wuxuu kulan la qaatay taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, kulanka ayaa waaxa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil ka socotay AMISOM.

Jen. Daahir Indha-qarshe ayaa ugu mahadceliyay taliyaha ciidanka Uganda booqashada uu ku yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay in Soomaaliya iyo Uganda ay yihiin laba waddan oo saaxiibbo ah, isla markaana ay si buuxda isaga kaashanayaan sugidda nabadgalyada.

Sidoo kale, Jen. Katumbo Wamala oo kulanka ka hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaato, hase yeeshee ay haatan u muuqato inay kasoo kabanayso.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka jira isbedello waaweyn, gaar ahaan dhinaca amniga. In amni uu jiro waxaa caddeyn u ah sida ay shacabku xeebta liido u joogaan si ay ugu damaashaadaan maalmaha fasaxyadu jiraan, waxayna ku timid dadaalka wadajirka ah ee ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,” ayuu yiri Jen. Wamala.

Dalka Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan, waxayna ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidamada AMISOM keena Soomaaliya sannadkii 2007-dii.

Ciidamada AMISOM oo haatan ay tiradoodu tahay 22,000 oo askair ayaa ka socda lix waddan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwa dariska ah, iyagoo ka taageera dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay oo taliyaha ciidamada UPDF ee dalka Uganda uu Muqdisho yimaado, isagoo dhowr jeer oo horena yimid, waxaana uu sidoo kale kulammo la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya