4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 5 , 2014
Dibadbax lagu taageerayo howlgalka Badweynta Hindiya ka dhacay Muqdisho


Jimco, September 05, 2014 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay howlgalka Badweynta Hindiya ee ka socda gobollada Soomaaliya qaarkood ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Dibadbaxan ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Hiliwaa, waxaana xubnaha ka qaybgalay wasiirka gaashandhigga, wasiirka arimaha gudaha, guddoomiyaha maxkamada sare iyo ku-simaha duqa Muqdisho ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka qaybgalay guddoomiyeyaasha degmooyinka  gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada booliska Somalia, nabad-sugidda iyo militariga Soomaaliya.

Dadweynihii ka qaybgalayay bannaanabaxa ayaa ku qaylinayay ereyo ay ku taageerayaan howlgalka Badweynta Hindiya ee ay wadaan ciidamada is-bahaysanaya ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Fannaaniinta hobollada Waaberi iyo barbaarta gaashaaman oo dibadbaxayaasha ka mid ahaa ayaa soo bandhigay heeso guubaabo iyo dhiirri-galin isugu jiray oo dhammaantood ka tarjumayay waddaniyadda.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay inay si buuxda u garab-istaagi doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM iyo welib howlgalka ay ka wadaan gobollada dalka qaarkood.

Bannaanbaxan aya kusoo beegmaya xilli ay ciidamada huwanta ah maalmihii lasoo dhaafay ay deegaanno badan ka qabsadeen Al-shabaab, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Kutun-waareey, Jalalaqsi iyo deegaanno kale sida Fiidoow iyo Buulo-mareer.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya