4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Wafdi uu Horkacayo Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Baydhabo iyo Tiyeeglow


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmooyinka Baydhabo iyo Tiyeeglow oo ka kala tirsan gobollada Bay iyo Bakool, waxaana socdaalka ku wehelyey wasiirrada gaashaandhigga, Hidaha iyo Tacliinta sare, Ganacsiga iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Wafdiga oo ugu horeyn booqday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wasiirro, maamulka gobolka Bay iyo saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

C/weli Sheekh iyo xubnaha safarka ku wehlinayay ayaa la kulmay saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan iyo kuwa AMISOM, waxayna ka wada-hadleen howlgalka ka soconaya gobolka Bay iyo sidoo kale xaaladdaha goobihii laga qabsaday Al-shabaab, isagoo bogaadiyay sida ay howlgalladu u socdaan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo halkaas u jooga dhamaystirka dib-u-heshiisiinta koonfur-galbeed, waxaana ay isla soo qaadeen halka ay marayaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Markaas kaddib ayay ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdigiisii ay u dhoofeen degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo ka mid ah deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen maamulka gobolka, kan degmada, AMISOM iyo saraakiisha ciidamadda xoogga dalka Somalia.

Xubnaha golaha wasiirrada ee socdaalka ku weheliyay ra’iisul wasaaraha, AMISOM iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa wadajir isugu raacay in lagama maarman ay tahay in Al-shabaab meel looga soo wada-jeesto isla markaana gacan lagu siiyo ciidamadda dowladda iyo AMISOM howlgallada ay ka wadaan gobolka Bakool.

”Maamulka gobolka iyo kan dowladda dhexe waxaa ka dhexeeya xariirr joogta ah, waana idinka warqabtaa dowladdu, wax walba oo awoodeeda ahna way idin la garab-taagan tahay. Hadda waxaa qorshaysan in kaalmo la idin soo gaarsiiyo, dadka reer Tiyeeglow waa dad ku horreeya dhanka wax-soo-saarka beeraha, daruufaha nabad-diidku keenay ayaa sababay inay abuurmaan abaaro iyo biyo la’aan soo wajahda goobaha ay nabad-diidku muddada gacanta ku hayeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhanka kalena soo dhaweeyay sida ay dadaka reer Tiyeeglow hubka u qaateen isagana dul-qaadeen cadowgii toddobada sano haystay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xero ay ku xaraysan yihiin qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo tababar u socdo, isagoo kula dar-daarmay in looga fadhiyo cadowga inay ka xoreeyaan gobolka si dadku nabad ugu noolaado.

“Al-shabaab dhibaato xoggan ayuu u geystay gobolka waa mid muuqata, waxaana u mahadcelinayaa ciidankeenna geesiyaasha ah iyo walaalaheen AMISOM, dowladdu waxay dhawaan degmadan u soo diri doontaa ciidammo booliis iyo nabad-sugid isugu jira si ammaanku u noqdo mid dhameystiran.” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Sheekh.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay isagoo sheegay in booqashadan ay ahayd mid uu ugu kuur-galayay xaaladda nololeed iyo midda amni ee deegaannadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya