4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Jawaari oo Baydhabo kula Kulmay Ganacsato iyo Xubno ku biiray Wafdigiisa


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo kula kulmayay lahaa maalmahan qaybaha bulshada ayaa saaka kulan la qaatay ganacsatada kasoo jeeda gobolladaas iyo xildhibaanno kusoo biiray wafdigiisa.

Kulanka ganacsatada iyo Jawaari ayaa looga hadlay sidii ay ganacsatadu uga qayb-qaadan lahaayeen hormarka gobolladooda iyo sidii looga hirgelin lahaa gobolladooda maamul goboleedka ay raalli ka yihin.

Sidoo kale, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeeshay Baydhabo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka oo gobolladaas kasoo jeeda, isla markaana ahaa qaybtii labaad ee xildhibaanno wafdigiisa ku biiray, kuwaasoo qayb ka qaadan doona wadahadalladan iyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen natiijooyin wax ku ool ah.

Mudane Jawaari oo la hadlay warbaahinta kaddib kulammada ayaa sheegay in dhammaan kulammadan ay ahaayeen kuwo wada-tashi ah, ujeeddaduna ay ahayd inay dhageystan aragtiyada kala duwan ee la qabo.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in kulammada ay kusoo dhammaadeen guul, isla markaana wixii hadda ka dambeeya la guda-geli doono kulammo wadajir ah si bulshada gobolladaas ay aayahooda uga tashadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya