4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Hay’adda Culummada Soomaaliyeed oo Taageertay la-dagaalanka Al-shabaab


Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Culumadda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweysay howlgalka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xilligan ka wadaan gobollo ka tirsan dalka, kuwaasoo looga horjeedo Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in culumadu ay soo dhaweynayaan dagaallada ay ciidamada huwanta ah kula jiraan Al-shabaab, ayna sidoo kale soo dhaweynayaan guulaha laga gaaray.

“Hay’adda culummada waxay soo dhaweynaysaa go’aankii golaha wasiirrada ee ahaa in culummadu ay gacan ka geystaan dagaalka lagula jiro dadka xag-jiriinta waana aqbalnay, waxayna soo dhaweynaysaa kuna faraxsan tahay howlgallada gobollada dalka ee lagu soo afjarayo kooxaha dadka ka fariistay waddooyinkii ay raashin u mari lahaayeen,” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sidoo kale, Sheekh Gurxan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan oo ay biyaha u qaadaan ciidamada dalka, kuwaasoo ku howlan sida uu hadalka u yiri dagaalka lagula jiro cadowga Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed maadaama dalka uu dagaal ku jiro, sidii caadada ahayd inay ciidamada gacan siiyaan oo wax walba oo ay u baahan yihiin ku taageeraan,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Hadalka afhayeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed ahna ku xigeenka guddoomiyaha hay’adda, Sheekh Nuur Baaruud ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanno badan ka qabsadeen Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii golaha wasiirrada ay soo saareen bayaan ay ku dalbnayaan in culummada Soomaaliyeed ay qayb ka qaataan qorshayaasha ay dowladdu ku doonayso inay dalka ku nabadeyso, sidoo kalena xoogagga Al-shabaab ugu baaqay inay 45-maalmood isku soo dhiibaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya