4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 4 , 2014
Furitaanka Kalfadhigii shanaad ee Baarlmaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay

Khamiis, September 04, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid furitaanka kal-fadhigii shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu waday in uu furmo 10-ka bishan September.

Iikar ayaa ku macneeyay dib-u-dhaca sababo farsamo iyo howlo culus oo xilligan horyaalla guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhamaadka bishan uu furmo doono kal-fadhiga.

“Kal-fadhiga shanaad ee golaha baarlamaanka wuxuu furmi doonaa 20-ka bishan, waxaana baarlamaanka horyaalla sharciyo kala duwan oo golaha wasiirradu ay soo gudbiyeen iyo heshiisyo dowladda caalamka qaarkood lala galay, kuwaasoo baarlamanku si weyn uga hadli doono marka uu kulanku furmo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Sidoo kale, Jeylaani Iikar ayaa xusay in 10-ka bishan uu furmi doono fadhi gaar ah oo ay yeelanayaan xubnaha gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo galaha wasiirrada si loo dar-dar geliyo howlaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa hadalkiisa daba-dhigay in xildhibaannada ay ugu baaqayaan inay soo xaadiraan waqtiga uu furmayo kal-fadhiga shanaad ee golaha baarlamaanka, ayna dalka dib ugu soo laabtaan.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood waxay haatan ku maqan yihiin gobollada dalka iyo waddamo kale oo caalamka ah, iyadoo sidoo kalena uu guddoomiyaha baarlamaanka uu haatan safar ku joogo Baydhbao.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya