4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Xoogsatada Dekedda Moqdisho oo Madaxda Dalka u diray cabasho la xiriirta hawlahooda

Axad, September 21, 2014 (HOL) — Xoogsatada Dekeda Muqdisho oo xubin ka ah Isu-tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa cabasho ka muujiyay inaan wali loo sheegin wixii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo xuquuqdii ay lahayeen oo la duudsiiyay, sida ay maanta warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xoog-satada dekedda weyn ee Muqdisho.

Muruqmaalatada ka xoogsada marsada Muqdisho ayaa xusay in lagula kacay shaqadoodii falal ay ku sheegeen wixii lagu saaro qaad wixii lagu siiyana qaado; falkaasoo ay sheegeen inay ku sameynayaan maamulka dekedda iyo shirkada lagu wareejiayay dekedda ee ALBAYRAK, loona diiday inay heshiis la galaan ganacsatada Soomaaliyeed sida waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Waxayna ka codsadeen masuuliyiinta dowlada Somalia inay arrimahaan soo faro-geliyaan waxna ka qabtaan; iyagoo codsi kaas la mid ah u dira ururrada shaqaalaha caalamiga sida; ITF, EATUC, ITUC, ILO iyo OATUU.

Guddoomiyaha xoogsatada dekedda Muqdisho, Yuusuf Warsame Afrax oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa uga warbixiyay arrintaas, isagoo ku dheeraaday waxa ka jira inay la heshiiyeen shirkadda Turkiga ah ee maamusha dekedda weyn ee Muqdisho.

“Heshiis innaga iyo shirkaddan na dhexmaray ma jiro, waxaana doonaynaa inaan ummadda Soomaaliyeed u sheegno inaan heshiin la gelin shirkadda lagu wareejiyay dekedda. Lama fariisan mas’uuliyiinta shirkadda mana jirto wax aan ku heshiinnay. Xoogsatada dekedda Muqdisho waxay ku dajin jireen loorkii 50-kg ah lix kun oo shilin Soomaali ah, kaasoo ay kasoo qaadaan markabka dushiisa ayna bannaanka keenaan illaa gawaarida lagu rarayo ka saaraan; kuwa wiishashka wada qayb ayay ka yihiin. Bakaaraha iyo suuqyada magaalada loorkiiba waxaa bakhaarka lagu galiyaa loogana soo bixiyaa afar kun oo shillin isku geyn. Innagoo qabana laba jibbaar intaas ay tahay in la ilaaliyo dhididkeenna,” ayuu yiri Yuusuf Afrax.

Ma ahan markii ugu horreysay oo garab-raratada Dekedda Mudisho cabasho noocan oo kale ah ay ka muujiyaan xaqoodii oo la duusiiyay, mana jirto illaa iyo haddda mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo arrintan ka hadlay.

Cabashada xoogsatada dekedda Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo maanta si rasmi ah howlihii dekedda weyn ee Muqdisho loogu wareejiyay shirkadda ka socota dalka Turkiga, iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin muruq-maalka ka shaqeysta dekedda Muqdisho.

Ugu dmbeyn, xoogsatada dekedda Muqdisho ayaa dalbaday in si waafaqsan sharciyada shaqaalaha adduunka iyo kan Soomaaliya lagula dhaqmo, lana ilaaliyo xuquuqdooda shaqaalenimo.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya