4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
RW C/weli oo la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway codsina u jeediyay


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayp ayaa magaalada Oslo ee wadanka Norway kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, isgaoo warbixin ka siiyay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo kulammadii uu la qaatay madaxda dalka Norway iyo shirkii ka dhacay dalka Ingiriiska ee looga hadlayay dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ugu horreyn sharaxaad ka bixiyay guulaha ay ku tallaabsatay xukuumaddiisa gaar ahaan dhinaca siyaasadda dibadda iyo gudaha, shirarkii loo qabtay Soomaaliya oo ugu dambeeyay kii ka dhacay magaalada Londan ee looga hadlayay dhismaha ciidamada Xogga, kaasoo uu sheegay in dowladdu ka gaartay guul taariikhi ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in caalamku diyaar u yahay sidii ay ugu qayb-qaadan lahaayeen samata-bixinta dalka, isagoo tilmaamay in dowladnimada iyo nidaam ka hirgala Somalia uu kow ka yahay helitaanka amni, taasina ay muhiimad gaar ah siisay dowladda. Jaaliyadda Soomaalida ee Norway ayuu ka codsaday in xooggooda ay isugu geeyaan taageerada dowladda iyo dadka  Soomaaliyeed si loo helo ummad wax qabsan karta.

“Waxaan ku soconaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Somalia in ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan inay dalka hoggaamin karto iyo hirgalinta dastuur rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato, waxaan sidoo kale ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan doonayno in aan isugu furayno quluubta shacabka iyo dhismaha maamullo federaal ah, jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Norway waxaa ay ka mid yihiin dadka aan jecel-nahay inay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa is-badaladaasi aan rabno inay dalka ka dhacaan,” ayuu yiri ra’isul wasaare C/weli Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu hadalka uu u jeediyay Jaaliyadda ku yiri. “Ujeeddadeenna waa inaan aragno Soomaaliya oo mid ah uuna ammaan uu ka jiro, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan u degen, wax ka sokeeya oo aan daneyneynana ma jirto."

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay taageerayaan dadaallada ay waddo xukuumadda ee la xiriira soo celinta dowladnimada Somalia iyo dib-u-dhiska dalka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya