4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan ay Wadahadal la furayso Maamulka Puntland


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa sheegtay inay dhawaan wadahadal la furi doonto maamul-goboleedka Puntand ee Soomaaliya si xal looga gaaro khilaafkii soo dhex-galay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedkan.

Wasiirka Arrimaha diinta iyo Owqaafta xukuumadda Somalia, Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay dhawaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto maamulka Puntland.

“Wadahadaladii la filayay inay dhawaan dhex-maraan dowladda Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimid sababo farsamo awgeed,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda oo uu ku saxiixnaa Ridwaan Xirsi.

Sidoo kale, ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan wadahadallada ay la galayaan maamulka Puntland uu salka ku hayo sidii dib loogu soo celin xiriirkii wada-shaqeyneed ee ka dhexeeyay Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya:

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumaddoodaba u xaqiijinayaa in dowladda Somalia ay ka go’an tahay inay wada-shaqeeyaan si loo soo celiyo kal-soonidii iyo midnimadii Qaranka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyya ku simaha ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay bishii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay inay u jartay dowladda dhexe ee Somalia xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeeyay, inkastoo maamulka Puntland uu horay u shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadlo kala fuo dowladda dhexe xallinta waxyaabihii sababay khilaafka soo dhexgalay.

Khilaafka soo dhexgalay dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Puntland ayaa yimid kaddib markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu sameynayo maamul wadajir ah oo ay yeeshaan gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay qayb ka mid ah ka taliso Puntland.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya