4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
RIDWAAN XIRSI: “Ma jiro Khilaaf u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya”


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo owqaafta Somalia, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay golaha wasirrada yeesheen ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo madaxda dalka u dhexeeya.

Kulankan oo diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyey ammaanka iyo siyaasadda dalka, kaasoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud si uu u dhegeysto horumarka ay xukuumaddu ka sameysay amniga, dibu-u-heshiisiinta, dhismaha maamulada, dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

“Intii ay jirtay xukuumadda federaalka Somalia ee uu hoggaamiyo, C/weli Sheekh, waxay horumar ballaaran ka sameysay dhinacyada, siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha dalka. Waxaa waddanka ka socda hawgallo lagu baacsanayo argagaxisada iyadoo laga xoreeyay deegaanno faro badan," ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia ayaa xusay in aanu jirin wax khliaaf ah oo madaxda dalka uu dhex-dhigay xil ka qaadistii lagu sameeyey agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Somalia, kaasoo ay buun-buunisay warbaahinta qaarkeed. Isagoo xusay in madaxda Qaranku ay isku aragti ka yihiin higsiga Somalia ee sannadka 2016-ka iyo qaabka ay xukuumaddu u waddo howlaha dalka.

“Maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta Somalia waxay buun-buunisay in uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda Qaranka kaasoo ka dhashay xilkii laga qaaday agaasimhii hay’adda nabad-sugidda, runtii arrintaasi waa mid aysan wxba ka jirin. Madaxda Qaranku isku aragti ayay ka yihiin shaqada ay waddo xukuumaddu iyo higsiga sannadka 2016-ka,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Agaasimihii hore wuxuu xilka hayay muddo laba bilood ah, wuxuuna waddanka u qabtay waxyaallo muhiim ah. Inta shaqo la qabanayo khaladaad waa imanayaan, balse khaladaadka wax yaa laga baranayaa. Xilka Qaranku waa meerto qof ayaa ka tagaya mid kale ayaana imanaya.”

Kulanka ayaa lagu soo gunaanaday iyadoo la wada qaadayo heesta astaanta Qaranka ee “Soomaaliyeey Toosoo” si loo muujiyo midnimada xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Qaranka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya