4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Guddoomiyaha Shabeellada hoose oo sheegay in howlgalkii socday la hakiyay


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in hakad uu ku yimid howlgalkii Badweynta Hindiya ee ka socday gobolkaas, isagoo xusay inay taasi ku timid fursad ah siinayaan dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab ee ay ka go’an tahay inay kooxda kasoo tagaan.

Siidii ayaa xusay in howlgalka uu sii socon doono, kaddib marka xilliga ay fursadda u qabteen uu soo dhammaado, isagoo intaas ku daray in qorshaha ugu weyn ee howlgalkooda uu yahay inay qabsadaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo xarun u ah Al-shabaab.

“Howlgalka muddo kooban ayaan hakad-gelinnay si aan fursad u siinno kuwa doonaya inay kasoo baxaan Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan dowladda, taas macnaheeduna ma ahan in howlgalkii uu joogsaday,” ayuu yiri Siidii.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa xusay in fursad-siintan ay timid kaddib markii ay u yimaadeen dhallinyaro Al-shabaab ka mid ah, kuwaasoo inoo sheegay buu yiri inay doonayaan meel ay soo maraan si ay uga soo baxaan Al-shabaab.

“Dhallinyarada waxay noo sheegeen in haddii dagaalku uu sii socodo inaysan helayn waddo ay soo maraan, waana taas midda keentay inaan howlgalkii socday hakad u gelinno muddo kooban,” ayuu Siidii ku daray hadalkiisa.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose wuxuu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Qoryooley iyo Buulo Mareer iska soo dhiibeen dhallinyaro ka tirsanaa Al-shabaab, kuwasoo tiradooda uu ku sheegay labaatameeyo qof.

“Xubnaha Al-shabaab ee isku soo dhiibay dowladda waxaa ku jira amiir lagu magacaabo Sheekh Xuseen, si wanaagsan ayaana u soo dhaweynay maadaama uu go’aansaday inuu kasoo tago colaaddii uu ku jiray,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Hadalka C/qaadir Siidii ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen inay tiro ka mid ah dhallinyarada u dagaalama Al-shabaab ay isku soo dhiibeen, inkastoo aysan weli Al-shabaab ka hadlin dhallinyarada la sheegay inay ka goosteen.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya