4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Maalinta Nabadda Adduunka oo laga Xusay Magaalada Beleweyne (SAWIRRO)


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 21 September oo guud ahaan dunida marka la eego looga dabaal-dagayo maalinta nabada, ayaa munaasabad lagu maamuusayo maalintan waxaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo ka dhacday Hoteel Kaamil  islamarkana uu soo qaban-qaabiyay xafiiska siyaasada QM ee UNSOM waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka ururada dhalinyarrada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hay’adda ACRO CARE oo fududeysa qabsoomida munaasabadda ayaa mas’uuliyiin ka soctay waxaa ay sheegeen in maanta kale loo asteeyay in leysku buuriyo nabada,  gaar ahaan marka la eego Soomaaliya oo ah dal ay hareen dagaallo iyo colaado muddo dheer soo jiray.

C/siis Weheliye Cooflle oo  xubin ka ah hay’adda ayaa sheegay in sanadkan hal ku dhag u qaateen [Maxaad u sameyn kartaa Nabadda darteed} taasoo macneeda noqonaya in qof walba looga baahan yahay in uu  u istaago siddii uu nabada gacan u siin lahaa kuna biiriyo wax kasta uu kari karo si nabad loo gaaro.

Guddoomiiyaha maamulka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo munaasabada dhinaciisa ka hadllay ayaa sheegay in dhalinyarrada looga baahan yahay qaadashada doorkooda nabada, madaama dhinaca kale marka la eego yihiin kuwo loo adeegsado colaada, waxaana uu intaa ku darray in guud ahaan umadda Soomaaliyeed looga fadhiyo dhameynta wax kasta oo khilaaf ah ee jira leyskana cafiyo danbiyadii la kala gallay.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa dhinaciisa sheegay in sababta ay ciidankooda Soomaaliya u joogaan tahay siddii ay nabada u soo celin lahaayeen qof kastana looga baahan yahay marka hore in uu dhisida nabada ka soo bilaabo gurgiisa kaddibna ku faafiyo bulshada inteeda kale.

Dhamaan qeybihii  bulshada ee munaasabada ka qeyb-gashay ayaa waxaa ay isla qireen qiimaha ay nabada leedahay, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo mudo ku dhaw 24 sanno ay ka jireen dagaallo iyo colaado sababay in bulshadu kala hayaanto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya