4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
WARBIXIN: Sanad kaddib weerarkii Westgate iyo Documentary laga sameeyay


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Bishii September 21-keedii sannadkii hore ee 2013-ka ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay ku qaadeen weerar suuqa ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Inta la og yahay 71 qof, ayaa ku dhintay halka boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii afar maalin uu dagaal ka socday dhismahaas oo ay qabsadeen afar nin oo la sheegay iney ka tirsanayeen ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalamo.

Weerarkii Westgate, ayaa sababay qasaaro xoogan oo soo gaaray dhamaan dhismahaas oo ka koobnaa goobo ganacsi, Goobo Caafimaad, Maqaayaddo, Suuq weynayaal iyo goobo madadaalo.

Waxaana la dumiyay qeybo ka mid ahaa dhismahaas kadib markii afar maalin ay haysteen raggii soo weeraray.

Labo ka mid ahaa afartii nin ee fuliyay weerarkii Westgate, ayaa warbaahinta Kenya ay sheegeen iney ka safreen Somalia ayna diyaarad ku tageen garoonka diyaaradaha Entebbe ee wadanka Yugaandha, kadibna ay safar dhanka dhulka ah ku galeen Nairobi, isla markaasna ay isku qariyeen xaafada Easleigh (Islii) ee Soomaalida badan ay ka dagan yihhiin Nairobi ka hor inta aynan fulinin weerarkaas, halka labada kalana lagu sheegay iney u kala dhasheen wadamada Kenya iyo Sudan.

Afarta nin ee weerarkaas fulisay, ayaa mid kasta lagu sheegay inuu watay qori AK-47 ah, Bombaanooyin iyo rasaas gaareysay sideed qasnadood oo midkiiba ay ku jirto 30 xabadood– isku geyntooduna ay aheyd 240 xabadood inuu watay mid kasto oo ka mid ah afartaas nin, waxaana la sheegay inta weerarka Westgate uunan dhicin ka hor iney hubkoodii la dhex mareen magaalada Nairobi.

Dadkii ku dhaawacmay Westgate, ayaa waxey ka soo kala jeedeen 13-dal oo ku kala yaallo qaaradaha kala duwan ee adduunka, waxaana lagu eedeyay laamaha amaanka ee Kenya, iney ka gaabiyeen howshoodi.

Hay’adda Sirdoonka Kenya ee NIS (National Intelligence Service), ayaa lagu dhaliilay iney awoodi weysay helitaanka xogta ku aadan weerarkaas, taasna waxey sababtay in Xog’hayihii guud ee hay’addaas Michael Gichangi, inuu iska casilay xilkii uu hayay bishii August ee sanadkaan sida uu sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Walaaca ugu weyn ee ay qabeen dadka Kenyanka ah, ayaa ku saabsanaa xuduuda kala barto wadamada Somalia iyo Kenya oo ay kooxaha hubeysan ka gali kareen Kenya- inkastoo dowlada Kenya ay horay u sheegtay iney xirtay xadkeeda.

Dhanka kale Ciidamada Military Kenya ee loo yaqaano GSU ( General Service Unit), ayaa lagu eedeyay iney ku dileen suuqaas askar ka tirsan ciidamada Police-ka iyo dad kale, isla markaasna ay qaateen hanti suuqaas taalay xiligii ay howl-galka ku jireen.

Illaa iyo hada waxaa xiran afar dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay iney wax ka ogaayeen weerarkii Westgate, xili dowlada kenya ay sheegtay in xogtooda laga helay Sim Card-yo ay kooxihii Westgate weeraray oga dhex tageen baabuurkii ay wateen.

Hay’addaha u doodo xaquuqul insaanka, ayaa ku eedeyay ciidamada illaaliyo xabsiga ay ku jiraan dhalinyaradaas iney si xun u jirdileen eedeysanayaashaas kadib markii ay diideen iney xirtaan dharka maxaabiista.

Dhanka kale Film Sameeye u dhashay wadanka Britain oo lagu magacaabo Dan Reed-, kana tirsan shirkadda HBO, ayaa dhawaan soo saaray documentary loogu magac daray “Terror at the Mall” kaasoo laga diyaariyay boqolaal muuqaalo Video-ah oo ay duubaan (CCTV), Kaarimooriyinkii qarsanaa ee Westgate. Film-kaas oo laga baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Kenya, ayaa sidoo kale la dhigay barta Youtube.

Illaa 200- “Labo Boqol oo qof” oo 82 (Sideetan iyo labo) ka mid ah ay ahaayeen dadkii ka bad-baaday weerarkii Westgate, ayaana lagu wareystay Documentary-gaas.

Dan Reed oo 49 sano jir ah, ayaa horay wuxuu u sameyay saddex film oo ka hadlaayay qabsasho goobo caan ah kuwaasoo ka baxay Taleefishino caalami ah, uuna ka mid ahaa Film loogu magac daray Terror in Mumbai, kuna saabsanaa qabsashadii goob ka mid ah magaalada Mumbai iyo “Terror in Moscow,” oo asna ku saabsanaa qabsashadii Tiyaatarka Dubrovka ee  ku yaallo magaalada Moscow ee xarunta wadanka Rush-ka, kaasoo 23 October 2002, ay qabsadeen kooxo hubeysan oo gaarayay ilaa 50, ayna ku dhinteen dad gaarayo ilaa 170 qof.

Dadka lagu wareystay Documentary-ga laga diyaariyay Westgate ee “Terror at the Mall”, ayaa waxey ka hadleen dhibkii ay la kulmeen xiligii weerarkaas uu socday iyo waliba in qaar ka mid ah ay arkeen kooxaha weerarkii Westgate fuliyay.

Waxaana lagu soo aadiyay Film-kaas sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii la weeraray Westgate xili dadka ku dhaqan Kenya badankoodu ay aaminsan yihiin in weerarkaas oo kale uunan mar kale ka dhici kareynin Kenya madaama dowlada kenya ay sheegtay iney ka taxadareyso wareeraro qorsheysan iney mar kale ay ka dhacaan wadankeeda.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya