4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Mucaaradka & xukuumada Somaliland oo ka hishiiyay xeerka diinwaan-gelinta


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Sadexda xisbi mucaarad iyo xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka heshiiyey khilaafkii horay u soo dhex-galay oo ku saabsanayd qaadashadda Diiwaan-gelinta Muwaadinka ah oo hore u qaadaceen xisbiyadda mucaaradka ahi.

Labaddii maalmood ee u dambeeyey ayey xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumaddu isla gorfaynayeen sida wax looga bedeli lahaa qaabka loo soo diyaariyey xeerka diiwaangelinta Muwaadinka oo ay xisbiyada mucaaradku sheegeen inay carqalad ku tahay diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay hore uga heshiiyeen.

Heshiishkan ay maanta madaxtooyadda kuwada gaadheen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda ayaa hogaamiyeyaasha xisbiyaddu warbaahinta uga warameen waxay ku heshiiyeen iyo sida hawsha diiwaangelinta loo gallayo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in buuqii ka dhashay diiwaangelinta Madaniga ah dood dheer ka dib la isla afgartay in wixii ay diidanayeen xisbiyada mucaaradka ahi dib loo saxo.

“Shalay illaa maanta waxaanu ka doodaynaya anaga iyo xisbiyadda mucaaradku sidii la iskugu soo dhowaan lahaa, waxaanay xisbiyaddu ka biyo diidsanaayeen qodob ku jiray xeerka diiwaangelinta madaniga ah ee golaha horyaalla, qodobkaasi ayey qoloba si u macnaysatay, waxaana ku heshiinay in diiwaangelintii madanigu sideedii u socoto si guul ah way inoogu dhacday”ayuu yidhi Saylici oo ka hadlaayey is afgaradkii dhexmaray xukuumadda io xisbiyadda mucaaradka ah

“Aragti kala duwan ayaa ka soo baxay xeerkii Diiwaangelinta Madaniga ah ee golaha loo soo gudbiyey, diiwaangelinta madaniga iyo diiwaangalinta codbixiyeyaasha sidii heshiishyadii hore iyadoo la eegayo in aanay is dabrin oo kala madax banaanaadaan, markiii aanu aad u gorfeynay wixii aanu u arkaynay inay isku xidhayso ama isku dabrayso aragti midaysan ayaanu isku waafaqnay sidaa la sheegay madaxweynaha ayaa golaha usoo qori dooona waraaq wax laga bedelayo qodob ka mid ah qodobadda diiwaangelinta madaniga”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro oo isna dhankiisa ka hadlay.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaaa isna sheegay in la isku afgartay diiwaangelinta Madaniga ah, isla markaana aanay markii horaba diidanayn in la sameeyo diiwaangelinta Muwaadinka balse qodobo ka mid ah qodobada ku jira xeerkaasi ay saluugeen una arkeen mid dabraya doorashadda.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isna soo dhoweeyey heshiishka ay wada gaadheen xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda, waxaanu iftiimiyey qodobka la isku hayey inuu ahaa qodobka 25aad ee xeerka Diiwaangelinta Madaniga oo odhanayey in qofkii kaadhkaasi sita uun uu qaadanayo kaadhka Codeynta, haseyeeshee arrintaasi wax laga bedelay.

“Qodobka la isku hayey wuxuu ahaa qodobka 25 ee xeerka diiwaangelinta Muwaadin oo odhanayey qofkii aan haysan kaadhka muwaadinimo lama siinayo kaadhka Doorashadda, taasna waxa loo bedelay in madaxweynuhu waraaq ka daba geeyo xeerka golaha hor yaalla oo uu raaciyo qofkii hore u qaadan kaadhka muwaadinka waa in isla goobta lagu siiyaa oo wasaaradda arrimaha guduhu qofkii ka habsaamay isla gobtaasi ku siiyaan ka dibna la siiyaa kaadhka doorashadda”ayuu yidhi Muuse Biixi oo sharaxayey qodobka lagu heshiiyey waxa uu yahay.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka ayaa hore u sheegay in xeerkani dabrayo qaadashadda kaadhka Codeynta, sidaa darteed ay ku qaadaceen, haseyeeshee khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa is garad lagu dhameeyey, waxaana laga bedelay qodobaddii xisbiyada mucaaradku ku tilmaameen inuu dabrayo diiwaangelinta kaadhka codbixiyeyaasha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland