4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Xulka kubada koleyga Somalia oo caawa cayaar la yeelan doona xulka Uganda


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Xulka kubadda kolleyga Soomaaliya ayaa caawa la yeelan doonaan xulka dalka Uganda, taas qayb ka ah cayaaraha kubadda kollayga Zone-ka shanaad oo si rasmi ah uga furmaya maanta magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Kulanka furitaanka waxaa iska hor-imaan doono dalalka Masar iyo Rwanda oo ah labada dal ee sannadkii tagay soo gaaray cayaarta kama dambeysta ah ee tartankii Zone-ka shanaad ee dhacay sannadkii hore 2013-ka ee ka dhacay dalka Tanzania.

Cayaarta dhex-maraysa xulka Qaranka Soomaaliya iyo xulka dalka marti-gelinaya cayaaraha sannadkan ayaa dhici doontaa 8:00 Fiidnimo ee caawa, iyadoo cayaartan ay tahay mid si aad ah loo sugayo.

Xulka Soomaaliya ayaa cayaaro fiican soo bandhigay cayaarihii sannadkii la soo dhaafay ee 2013-ka dhacay, iyadoo la xusuusto in cayaarhahan Faysal Jaamac Aadan uu dhigay rikoorka goolasha ee hal cayaar la dhaliyo, iyadoo xulka Soomaaliya ay sannadkan u cayaari doonaan shan ciyaartoy oo ka mid ahaa kuwii ka qaybgalay cayaartii sannadkii hore, waxaana hoggaaminaya xulka Soomaaliya, Yuusuf Qaafow.

Ugu dambeyn, ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa rajo wanaagsan ka qaba inay guulal kasoo hayaan sida uu sheegay, Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ah tababaraha xulka Qaranka Kubadda Kolleyga Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya